Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Canaantay Sida Uu Uga Hadlay Dagaal Beeleed Dhiig Badan Ku Daatay Oo Ka Qarxay Gobolka SOOL

0
660

Hargeysa (Geeska) – Xisbiyada Siyaasadda Somaliland qaarkood iyo Madax-dhaqameedka Dalka, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku canaantay sida uu uga hadlay Dagaal beeleed dhiig badan ku daatay oo Khamiistii iyo Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Holhol oo ka tirsan Degmada Xuddun ee Gobolka Sool.

Dagaalka labada Beelood oo ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Dhabar-dalool oo Holhol ka mid ah, ayaa waxa ku dhintay Dad tiradooda lagu sheegay 27 Qof, halka dhaawac badanina jiro, laakiin Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo habeen hore War-saxaafadeed ka soo saaray dagaalkaasi, ayaa baaq nabadeed u diray labada Beelood dagaalku ka dhex Qarxay.

Hase-ahaatee, Xubno ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Madax-dhaqameedka dalka qaarkood oo si gaar gaar ah Warbaahinta ula hadlay, ayaa Madaxweynaha ku canaantay sida uu dagaalkaa uga hadlay, iyagoo sheegay inaan la joogin xilligii laga hadli lahaa dagaalka, balse la joogo xilligii la qaadi lahaa Tallaabo lagu kala bedbaadinayo labada Beelood ee dagaalku ka dhex qarxay.

Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Faarax Cabdi oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaanu sugaynay amarka uu Madaxweynuhu ka bixin doono oo ah inuu Ciidan deg-deg ah kala dhex dhigo, bixiyana amarro deg-deg ah, si Dagaalka Deg-deg loogu joojiyo, nasiib-darro ma dhicin taasi, 48 Saacadood ka dib waxa Madaxtooyada ka soo baxday Warqad baaq nabadeed ah, waxay Warqaddaasi ku tusaysaa in Dadka halkaa ku leedaya ee halkaa deggan in aanay Miisaan badan agtooda ku lahayn Xukuumadda Maanta jirta..”

Suldaan Axmed Cismaan (Caddo-gude) oo ah afhayeenka Beelaha Gar-xajis oo ka mid ahaa Madax-dhaqameed diray baaq nabadeed oo ku socda Beelaha Walaalaha ah eek u dagaalamay Sool, ayaa Madaxweynaha ku canaantay siduu colaaddaa uga hadlay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland sidayadan oo kale ayuu soo fadhiistay waxaanu ku dhawaaqay in labada Beelood ee Walaalaha ahi dagaalka joojiyaan, waxaanu leenahay Madaxweyne lagaama siisanayo arrintaasi oo macquul maaha, Adigoo Qaranka hoggaan u ah, Ciidammadii Qaranka oo dhan haysta inaad sida Oday dhaqameed soo fadhiisato lagaagama baahna, waayo? intani waa intaanu kari karno, isku noqo oo Ciidan xoog leh kala dhex dhig, Qasabna ku kala kaxee..”

Geeska.net/Hargeisa Office