Madaxweynaha Somaliland Oo Farriin U Diray Dawladda Farmaajo & Mucaaradka Soomaaliya

0
793

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin u diray Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi (Farmaajo) iyo Midowga Musharraxiinta Mucaaradka.

Madaxweynaha Somaliland oo shalay hadal ka jeediyey Munaasibad uu xadhigga kaga jaray dhisme cusub oo loo dhisay hay’adda dhowrista tayada, ayaa sheegay in aanay xaq iyo daw ahayn in Dad Somaliland ka soo jeeda la yidhaahdo waxa lagu dooranayaa Gobolka Banaadir, iyagoon matalin.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Soomaaliya doorashadaa ka socota, dhibaatooyin bay marayaan ee Alle ha u sahlo dhibaatooyinkooda, wanaaggooda ayaanu jecelahay, waa walaaladeen oo xumaantooda ma jeclin, dabka iga ka qarxaa wuu ina soo gaadhayaa, barwaaqadooduna way na soo gaadhi kartaa. Waxaan doonayaa inaan farriin aad ah u diro oo aanu mid u caddayno, Somaliland haddaanu nahay Mucaaradkooda iyo Muxaafidkooda, midowga Mucaaradka ee Xamar jooga iyo Madaxweynahooda iyo Gobolladooda mid baanu u diraynaa, Soomaalina waynu nahay, derisna waynu nahay, dadna aynu iskugu xigno Danteenaa is-diidday oo laba Dawladood inaga dhigtaye oo col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland ka soo jeedaa laga dhex dooranayaa Banaadir, markaad eraygaa leedihiin Miisaanka uu leeyahay iyo meel ka dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan eraygaa, meesha miyuu qabtaa ?…”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dadka Somaliland ka soo jeeda ee Xamar joogaa la mid yihiin Jaaliyadaha Somaliland ee dunida kale ku kala filiqsan  “Meel walba jaaliyad way joogtaa, halkanba Jaaliyad reer Soomaaliya ah oo Xamar ka timid, Kismaayo ka timid, Boosaaso ka timid way joogaan, waa Jaaliyad walaalahayo ah oo nala nool, laakiin hawlaha siyaasadeed ee Somaliland ma soo galaan, sababta aad u dafiraysaan Qaranka Somaliland innaga oo 30 sano kala maqnayn oo aad ogtihiin oo aad dhammaantiin bogaadisaan, waxaad u odhanaysaan ee aad isugu raacsan tihiin Xildhibaannada Somaliland Baarlamaanka ku matala, waar miyeydaan Ilaahay ka yaabayn, waad ogtihiin in halkaa aanay joogin Cid Siyaasad noo matashaaye, kuwa tagay waa Jaaliyad Somaliland ah oo shaqo tagay, waxay la mid yihiin jaaliyadda Kenya, Joogta, ta Jabuuti joogta, ta Addis Ababa joogta, ta London joogta, ta Abu Dubai joogta, hadday ka shaqaysanayaan Dalkooda ayuun bay u soo shaqaysanayaan, kuwa ugu waaweyn ee ugu shaqada badanina iyagoo halkaa jooga oo leh Baarlamaan iyo Wasiir baanu nahay ayuun bay halkana daaraha ka soo dhistaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin gaar ah u diray Dadka reer Somaliland ee xilalka u doonta Xamar “Dadka waaweyn ee Somaliland ee qaadanaya Xamar ha la naga doorto Baarlamaan baanu noqonaynaaye, aniguna Nimankaasaan la yaabaa, Dad waaweyn oo aanu is wada garanayno oo aanu intaa kala han-weynayn baa jooga meesha, arrintaana waxaanu leenahay ma geyno.”

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay doorashooyinka Somaliland, isagoo sheegay in doorashadu ay culays dhaqaale iyo mid wakhtiba ku hayso dalka.

Madaxweyne Biixi oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa soo socda Doorashadii Baarlamaanka iyo tii Dawladaha hoose, haddaynu isla fahano erayga doorasho oo aynu sida uu yahay ugu dhaqano waxba innaga xumaan maayaan.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay “laba is qaban maayaan, inaad awooddii gacanta ku haysato oo lagu yidhaahdo dooro, inaad laba bilood ka bacdi tidhaahdo shalay bay dhaantay labadaasi isma qabtaan, markaa qof kasta oo muwaadin ah waxaan leeyahay waar waxa wanaagsan dooro.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Doorashadu hawlna way leedahay, waxtarna way leedahay, innagu tartanka waynu isku haaraana, waynu ku kala fogaanaa Tartanka, tartanka iyo Colaadduna waa kala jaad.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Cid kastaaba qirsan tahay doorka ay Haweenku nolosha kaga jiraan, laakiin marka la yidhaahdo door ha ku yeeshaan Laamaha Dawladda la diidayo, Cidda diidaysaana tahay reeraha ay ka soo bixi lahaayeen isla-markaana Odayaasha reerku odhanayaan ‘Dumarku ha inoo dambeeyaan ee horta Ragga’.

 

Geeska.net/Hargeisa Office