“Madaxweynaha Sharaftiisu Waxay Ahayd Inuu Dadkiisa Wax Taro”

0
553

Xildhibaan Nacnac

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa guud ahaan Bulshada reer Somaliland ku booriyey inay nabadooda iyo qaranimadooda ilaashadan, waxaanu tilmaamay in Madaxweyne kasta oo la doorta uu tagi doono, balse qaranimadu muhiim tahay, waxaanu sheegay in Madaxweynaha looga baahan yahay inuu dadka ilaaliyo.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waa in dadka masaakiinta ah la ilaaliyaa, waa in la takuleeya, waa in wax la siiyaa, oo wax loo tara, in la boobo maaha, dadkaas guriyahooda lagu haystaa dad baa lixdan sanno guriyahooda deganaa, Madaxweynaha sharaftiisu waxay ahayd inuu dadkiisa wax taro, balse inuu dhulkooda ku qabsado maaha”.

Mar uu ka hadlaayey weerarkii ka dhacay Boorama Ayaaa yidhi “Meel walba waa laga cabanayaa, ee waxaan leeyahay ha la daayo rabshadaha, qaranimada aynu ilaalino, xabada inaga ilaaliya, oo buuqa inaga daaya, walaaltinimadeena ilaaliya, qaranimaduna waa nafteenii, Madaxweynihii yimaadaba wuu iska tagi,oo  wad ama wakhtiga ayaa inaga kagayne,Muuse Biixina uu iska tagi, ee dadku dalkooda ha ogaadan”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here