Madaxweynaha Oo Shalay Furay Wejiga Koowaad Ee Jidka Dawga-Cad

0
565

Picture5Hargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo ayaa shalay ka qaybgalay xaflad uu xadhiga kaga jaray wejiga koowaad ee jidka Dawga-cad ee waqooyiga Hargeysa.

Madaxweynaha  oo ay weheliyaan wasiiro tiro badan, taliyayaasha ciidamada, salaadiin, ganacsato, haween iyo dhallinyaro, ayaa hadal uu madaxweynuhu munaasibadda ka jeediyay wuxuu ku balanqaaday inuu sii wadayo ka qayb qaadashada jidkaasi oo isku xidha Hargeysa ilaa degmada Ceel Sheekh ama u dhaadhaca dhinaca xeebta, waxaanu u mahadceliyay guddiga jidkaas gacanta ku haysa.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sheegay in jidka dawga-cadi yahay waddo aad muhiim ugu ah dalka, qiimo weyna ku leh, isagoo u mahadceliyay guddigii gacanta ku haysay iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay, waxaanu sheegay inay xukuumadiisu dhiirigelinayso horumarka waddooyinka.

Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, oo ka mdi ah guddiga wadada cad, oo halkaas hadal warbixin ah ka jeediyay ayaa sheegay in waddooyin badani wadanka ka socdaan balse uu jidka dawga cad kaga duwanyahay, maadaama oo uu yahay jid dhul buuro ah mara.

Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb qaadatay dhismaha jidkaas, waxaanu ku baaqay in laga qayb qaato sidii jidkaas loo dhammaystiri lahaa.

Wasiirada maaliyadda Cabdicasiis Samaale, arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Madaxtooyada Xirsi Cali, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegayinay xukuumadu taageerayso dhismaha jidkaas dawga cad.

 Waxa iyaguna halkaas ka hadlay odayaal, dhallinyaro iyo haween u mahadceliyay cid kasta oo ka qayb gashay dhismaha wejiga koowaad ee jidka dawga-cad.