Hay’adda AET Oo 45 Hablood Oo Ay Waxbarashadooda Ka-Faalaqaaday Ku Wareejisay Wasaaradda Waxbarashada

0
545

Picture1Hargeysa(Geeska):  Haayadda  wasaarada waxbarashada inta badan ka tageerta dhinca waxbarshada ee  lagu  magaabo Africa Education Trust (EAT) ayaa waxaa ay maanta  wasaaradda waxbarashada ku wareejisay iyada oo kaashaneysa haayada (ZERA)  45  ardey oo hablo ah, kuwaas  oo ay   kafalo qaaday  ka bixinta lacagta waxbarshadooda dugsiga sare .  Munaasibadan oo ka dhacdey hoolka wasaarada waxbarshada ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada  waxbarshada faarax cilmi geedlo masuulyiinta haayada (EAT) habalaha ay haayadu deeqda waxbarsahda ah siisay  iyo macalimiinta saddexda dugsi ee ardeydani dhigtaan .

Ugu horeyn waxaa munaasibadan ka hadlay madaxa haweenka ee wasaarada waxbarshada somaliland marwo Ayaan Xaaji Yuusuf waxaana ay tidhi“maadama oo dugsiyadii sare iyo kuwii hoosaba la wada galayo waxbarshadii bisha sagaalaad waxaa wax  lagu farxo ah  in wasaarada waxbarshadu ku guuleysatay in 45 hablood oo danyar ah oo aan iska bixin kareen lagacta dugsiga sare  kuwaas  oo ka kooban dugsiyada  dayib gurey , 26 junne iyo faraax oomar .

Waxaa ay wasaarada waxarshadu ku guuleysatay in iyada oo kaashaneysa haayada (EAT) in  ay ka bixiso lacagta dugsiyada ay dhiganayaan waxaana halkan lagu bixin doona lacagta sanadka ugu horeeya ee waxbarshadooda “ ayey tidhi agaasimaha waxaada haweenka ee wasaarada waxbarshada  marwo Ayaan Xaaji Yuusuf. Dhinca kale waxaa  isna madasha hadlo kooban ka yidhi xassan ahmed ibraahim oo ka socdey ah haayada (EAT) qeybta  somaliland waxanaa hadaladiisi ka mid ahaa “waxaa aan aad ugu farax sanahay 45 ka hablood ee maanta aynu halkan ku gudoonsiinay deeq  waxbarasho oo afar sanadood ah waana afar sanadood oo halkan wax lagu baranaayo  sidaa la sheegay 100 $ ee ardeyda la siinayo sanadkii waxaa ay ka kafeen doonta in ay iskaga bixiyaan lacagtii dugsigu ka qaadaayey habalo faro badan oo idinka idinla mid ah ayaa waxbarshada ugu hadha lacag la,aan taas baana nagu kaliftey waxaana aan idinkula dar daarmaayaa in aad ka faa,ideysataan arintan “ ayuu yidhi xassan ahmed ibraahim oo ka socdey hayaada (EAT) qeybta somaliland . 

Wasiirka Wasaarada Waxbarsahda Somaliland Faarax Cilmi Geedoole Oo Munasibadaasi Ka Hadlay Ayaa Yidhi  “Habluhu Qiimo Weyn Ayey Umada Ku Leeyihiin Oo Ilaahey Baa Sheegay Taas Hadii Ay Inantu Wax Barato  Ilmaha Ay Dhaso Waa Uu Ka Nasiib Badnaanayaa Ilmaha Aanay Hooyadii Waxba Baran  Hooyada Iyo Abuhu Ilmaha Wey U Kala Dhaw Yahiin  Markaas Weynu Dhiiri Galineynaa Waxbarshada Hablaha Weyna Aynu Is Garab Taageynaa In Ay Habluhu Wax Inoo Bartaan Aad Iyo Aadna Waanu Ugu Mahad Naqeynaa Haayada (EAT) Ee Arintaasi Naga Caawisay “ Ayuu Yidhi Wasiirka Wasaarada Waxbarshada Somaliland Faarax Cilmi Geedoole . Ugu Danbeyntii Waxaa Madasha Hadlo Kooban Oo Mahad Naq Ah Ka Yidhi Qaar Ka Mid Ah Ardeydii  La Siiyey Deeqda Waxbarashada Bilaashka Ah Iyo Walidiintii Dhashay Ardeydaas Waxaana Ay  Mahadnaq Balaadhan U Direen Hayaada Deeqdan Waxbarshada Ah Siisay  Iyo Wasaarada Waxbarshada Waxaana Ay Ugu Baqeen In Ay Halkaasi Ka Sii Wadaan Dadaalka Ay Dalka U Wadaan.