Madaxweynaha Oo Magacaabay Ku Xigeenka Wakiilka Kenya

0
621

Hargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa Magacaabay Wakiil ku-xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

1

Danjire Siciid Maxamed Daahir Afqarshe,ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabay in uu ahaado wakiil ku-xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

Digreeto Madaxweyne Axmed Siilaanyo soo saaray oo uu ku magacaabay Danjire ku-xigeenka dalka Kenya u fadhiya Somaliland ayaa u dhignayd sidan

“Xeer Madaxweyne Lr: 0705/092016

Magacaabis

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland

Markuu Arkay: Qodbka 90aad, Farqadiisa 3aad, Xarafka (R) ee Dastuurka Somaliland.

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyada Wakiil Ku-xigeenada Somaliland u fadhiya dalalka dibeddu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada wakiil ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiya Dalka Kenya;

Markuu ka fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Siciid Maxamed Daahir (Af-qarshe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiil ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).”