Madaxweynaha Masar Oo Ka Dalbaday Raysalwasaaraha Itoobiya Inuu Ugu Dhaarto Inaan Dhaamku Waxyeelayn Biyaha Niilka

24
2657

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa ugu dhaartay madaxweynaha Masar Cabdifataax Al Siisi, inaanu dhaamka Itoobiya waxyeeli doonin saamiga ay Masar ka hesho biyaha webiga niilka.

Madaxweynaha  Masar iyo Raysalwasaaraha Itoobiya oo ku kulmay Qaahira ayaa kawada hadlay sidii xal looga gaadhi lahaa muran xooggan ee ka taagan wadaagga wabiyahaWabiga Nile, kaasi oo ay ku tiirsan yihiin shacuubta dalal dhowr ah oo

Abiy Axmed oo booqasho laba maalmood ah ku jooga Masar ayaa Qaahira kula kulmay Cabdi-Fitaax Al-Siisi, waxaana kulankooda hareeyay arinta Wabiga Nile oo dhalisay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysa labad dowladood.

Labada hogaamiye ayaa isku deyaya inay qaboojiyaan xiisad ka dhalatay Biyo xidheen ay xukuumada Addis Ababa ka dhiseyso wabiga Nile, taasoo Qaahiro ay sheegtay inay halis ku tahay saamiga biyaha.

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, ayaa u balanqaaday Al-Sisii markii uu la kulmay in Biyo Xidheenka GERD aanu hoos-u dhigi doonin saamiga dalka Masar uu ka heli jiray biyaha Nile. “Ma jiraan wax dhibaato ah oo Masar uga imaan doona biyo xidheenka. Mana dooneyno inaan dhibaateyno Masar, waanu daryeeli doonnaa Niilka waananu sii wadaynaa qaybtaada,” ayuu yidhi Abiy Axmed.

Balse markii uu shirka jaraa’id dhammaaday wuxuu Madaxweynaha Masar ka codsaday raysalwasaaraha Itoobiya inuu Alle ugu dhaarto inaanu waxyeelayn saamiga Masar ee biyaha niilka, waxaanu ydihi “Waxaan ku dhaaranayaa Alle, marnaba annagu waxba uma dhimi doono saamiga Masar ee Biyaha Nile,” ayuu Ahmed yidhi.

Geesta kale wuxuu Dr. Abiy Axmed ka horjeediyay khudbad baarlamaanka wadanka Masar, isagoo khudbadiisa ku bilaabay salaanta islaamka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here