Nairobi (Geeska)- Madaweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa toddobaadkii hore meel fagaare ah dab ku qabadsiiyey 15 ton oo ah Fool Maroodi. Waa tiradii ugu badnayd ee ah Fool Maroodi lagu gubo Afrika, waxa aanu madaxweyne Kenyatta gubista kadib ballan qaaday in inta aanu dhammaan sannadkan aynu ku jirnaa uu sidan oo kale u baabi’in doono Fool-Maroodiga weli ku sii hadhsan goobaha lagu kaydiyey ee dalka Kenya oo tiradiisa lagu qiyaasayo illaa Boqol Ton.
Fool Maroodiga ayaa halkiisa Kiiloogaraam lagu kala iibsadaa lacag gaadhaysa $2100 (Laba Kun iyo Boqol doolarka Maraykanka ah) sayladaha ugu badan ee sida aadka ah loogu iibsadaana waa dalka Shiina, haddaba marka qiimahaas laga eego, 30ka Ton ee ah Fool Maroodiga uu Madaxweynaha Kenya gubay ayaa qiimihiisu noqonayaa 30 Milyan oo doolar.
Kenya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu badan ee uu ka jiro ugaadhsiga sharci darrada ah ee maroodiga, oo la amainsan yahay in uu qarka u saaran yahay in uu dunida ka dabar go’o, sidoo kale waxaa ku badan suuqyada madow ee lagu kala iibsado foolka Maroodiga oo dunida mamnuuc ka ah iibsigiisa iyo ka ganacsigiisu.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa intii aanu dabka ku qaban foolkan oo sida xaabada loo dhex tuulay beerta Qaranka ee magaalada Nayroobi waxa uu yidhi, “Waa in isticmaalka Foolka Maroodiga aynu dunida oo dhan ka mamnuucno” Isaga oo intaas ku sii daray, “Illaa imika dadaallada kala duwan ee loo samaynayo dhowrista deegaanku waa kuwo aan ku filnayn arrintaas wax ka qabashadeeda, gaar ahaan marka la eego khatarta deegaan ee jirta. Waxaa si cad u muuqda korodhka dadaallada lagu hor-istaago dembiyada laga galo deegaanka”
Tirada rasmiga ah ee laga helayo dowladda Kenya ayaa muujinaysa in sannadkii 2013ka oo keliya dalkaas ugaadhsi sharci darro ah lagu dilay 300 oo maroodi iyo 59 ah Wiyil, laakiin khubarada madaxa bannaan ee arrimahan ka hadlaya ayaa iyagu tirada intaas ka sii badinaya.
Ugaadhsiga sharci darrada ah ee Maroodiga Afrika ayaa la sheegayaa in sannad kasta lagu dilo 20 illaa 30 kun oo Maroodi, taas oo ah sababta keentay in xayawaankani ku dhowaado dabar go’.
La dagaallanka ugaadhsiga Maroodiga ayaa inta badan waxaa caqabad weyn ku ah dalabka weyn ee iibkiisu ku leeyahay sayladaha qaaradda Eeshiya, iyo weliba ka ganacsiga foolka Maroodiga oo dhulkaas weli sharci ka ah, ama shuruudu aan adkayni ay ku xidhan yihiin.