Madaxweynaha Kenya Oo Casuumad Afur Ah U Sameeyay Muslimiinta Dalkiisa

0
608

 

Picture2Nairobi (Geeska) – Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa shalay aqalka Madaxtooyada afur ugu sameeyay dad badan oo matalayey Muslimiinta dalkiisa ku dhaqan, waxaanu kala qayb-galay  afurkaasi.

 

Madaxwaynaha Kenya oo ku labisan Khamiiska, koofiyada iyo Cumaamada ay Muslimiintu caanka ku yihiin, ayaa Muslimiinta uu ku casuumay aqalka Madaxtooyada kala qayb-galay afurka, si uu u muujiyo ixtiraamka uu u hayo Muslimiinta Kenya.

Madaxwayne Kenyata ayaa bogga uu ku leeyahay barta xidhiidhka bulshada ee Facebook ku baahiyey qoraal kooban oo uu ku muujinayo sida uu ugu faraxsan yahay inuu Muslimiinta ku casuumo aqalka Madaxtooyada ee looga arimiyo dalka iyo dadwaynaha Kenya “Maanta (shalay) waxaan Madaxtooyada ku casuumay Muslimiinta, si ay ugu afuraan”ayuu yidhi Madaxwaynaha Kenya, waxaanu intaa ku daray inuu afurkan ugu tallo-galay inuu Muslimiinta kula farxo bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay Muslimiintu gudashadeeda ku dhex jiraan.

Sidoo kale, Madaxwaynaha Kenya, waxa uu sheegay inuu sidan u sameeyay in la arko in shacabka reer Kenya Midaysan yihiin.