Madaxweynaha Iyo Xisbiyada Oo Ka Qayb Galay Xaflad Loo Sameeyay Dugsiyo Ay ‘Dan Iyo Duco’ Dhistay

0
502

1Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay deegaanka Madheera gaar ahaan Dabayla-weyne waxay kaga qaybgaleen xaflad aad loo soo agaasimay laguna daahfuray dhismayaasha laba dugsi sare ee  boodhinka ah gacantana ay ku hayeen guddida horumarinta gobolka saaxil ee loo soo gaabiyo Dan iyo Duco, dugsiyadaas oo laga hirgeliyey Deegaamada Dabayla weyne iyo Dubur, ayaa ah goobo ay wax ku baran doonaan in ka badan 800 oo Arday. Magacooda guudna uu noqon doono Dan iyo Duco “Boarding Schools” ee Gobolka Saaxil.

Munaasibadaasi oo ahayd mid saacado socotay waxa ka hadlay masuuliyiinta gobolada Saaxil, maroodijeex, madaxdhaqameed, culimo, waayeel, waxgarad, Siyaasiyiin, qurbajoog, haween, masuuliyiinta saddexda  xisbi qaran oo kala ahaa Md. Muuse Biixi Cabdi, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciro iyo Md. Jamaal Cali Xuseen, iyo wasiiro iyadoo uu munaasibada soo xidhay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen”Sharaf weyn bay ii tahay in aan ka soo qaybgalo xafladan  furitaanka labada Dugsi (School) ee Dubur iyo Dabayla-weyne. Waxaan hambalyeynayaa Guddida Dan iyo Duco ee fulisay mashruucan qiimaha badan. Waxaan u mahadnaqayaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay maskax, muruq iyo maal dhismaha hoygan Waxbarasho. Waxaan dhiirigelinaynaa mashaariicda horumarinta dalka, waxaannu xukuumad ahaan diyaar u nahay in aannu gacan weyn ka geysano sidii ay u shaqayn lahaayeen, mashaariicda noocan oo kale ahi dadka iyo dalkana waxtarka u leh.