“Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenka Midna Waxba Faraha Uguma Jiraan. Inamo Yar-Yar Ayaa Dalkan Waalaya”

0
967

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo ka mid ahaa xildhibaanadii dhawaan u orday jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada ayaa daboolka ka qaaday in xildhibaanada badankooda uu wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi ku iibsaday lacag 5000 oo dolar ah.

Waxa uu xildhibaanku shirgudoonka uga digay inay ku shaqeeyaan rabitaanka madaxtooyada, waxaanu arimahan kaga hadlay mar uu la hadlaayay tiliifshanka Eryal. Ugu horayntii isaga oo hanbalyaynaaya xildhibaankii ka guulaystay Axmed-yaasin Sheekh Cali Ayaanle wuxuu yidhi “Waxaan hanbalyo u dirayaa Axmed-yaasiin Shaakh Cali Ayaanle oo loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada,waanu igaga guulaystay runtii waxaan u arkaa guushaas mid aniga laftayada ii timid maadaama oo uu nin gobalka Awdal ka soo jeedaa uu guulaystay.”

Xildhibaan Hufane oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”doorashadii gudoomiyaha golaha lagu doortay ayaa lagu jiray oo qaladaad ka yimaadeen iyada oo qaladkii la saxaayo waxa xaga xukuumadda laga soo abaabulay in iyada oo ay tii taagan tahay la soo dhigo in guddoomiye ku xigeen labaad in loo tartamo la soo dhigay dagaalkuna halkaas ayuu ka bilaabmay, xildhibaanadii Kulmiye ka soo jeeday waxay u qaybsameen laba qaybood qayb lacag la siiyay iyo qayb diiday lacagtii oo tidhi rayigayaga iyo ninka aan dooranayno hana soo dhex galina, qolada ay la hadlayaana waa wasiirka madaxtooyada oo si qaawan oo badheedh ah lacagtii umadda ee cashuurta ahayd si badheedha ahayd ugu dagaalamayay, xildhibaanka ugu yar waxa la sheegyay in 5000 oo dolar la siinayay laguna qaybinaayay guriga madaxweyne ku xigeenka, golaha wakiilada maanta in laga dhigo laan hoos tagta madaxtooyada waa inagu ceeb, dawladnimadu maaha sidaas.”

Xildhibaan Hufane oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”golahu ku socon maayo haddii aan farogalintaas laga dayn, shirgudoonkana waxaan leeyahay yaanu noqon mid hoos taga madaxtooyada oo waxaan shir gudoonka kula talinayaa inay fikradooda ku hagaan oo tilifoon laga soo diray madaxtooyada in aanay ku hagin. Guud ahaan gobalka Awdal waxaan farayaa maanta doorashadii laba bilood ayaa inooga hadhay ta aad ku aarsanaysaana waa fartiina xisbigaas iyo xukuumadiisa inaan maanta dagaal la galno oo aad doorataan xisbiyada mucaaradka ah ee dadka u tudhaaya oo uu ka mid yahay xisbiga Waddani oo aan aqaano musharixiisa.”

Xildhibaanka oo la waydiiyay sababta dhibaatooyinka Awdal uu u xalin waayay madaxweyne ku xigeenka oo gobalkaas ka soo jeedaa waxa uu yidhi”Madaxweyne ku xigeenka waxba faro uguma jiraan iska daa isaga oo madaxweynaha ayaanay maanta gacanta waxba ugu jirin, waxaan leeyahay madaxweynaha isaga ayaa dalkan loo doortay, waxii dhibaato iyo danbi ah ee ka dhaca isaga ayaa masuul ka ah, isagana waxba faro uguma jiraan kuxigeena waxba faro uguma jiraan inamo yar yar ayaa dalkan waalaya oo ay gacanta u gashay, waxaan leeyahay shacabka Somaliland waar waxani wax loo adkaysan karaayo maaha gacantiina ku ciil baxa.”