Madaxweynaha Ereteriya Oo Hargeysa U Soo Diray Wefti Culus Oo Kulan La Yeeshay Madaxweyne Biixi

0
1064

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa yimid wefti culus oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax Maxamed iyo la taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Ereteriya Yemane Ghebreab. Labadan siyaasi ayaa ah garbaha uu ku duulo Madaxweyne Afawerki, waxaana lagu tiriyaa inay yihiin labada siyaasi ee ugu dhow madaxweyne Afawerki.

Weftigan oo watay diyaarad gaar ah, ayaa waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, Wasiirada arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Faratoon iyo maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire.

Weftiga Wasiir Cismaan Saalax oo ay tahay markii u horaysay ee uu Wefti Ereteriya  socdaal ku yimaadaan Somaliland, ayaa waxay kulan la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-xigeenka iyo xubno wasiiro ah.

Markii uu kulanku dhammaaday ayaa waxa wada jir saxaafadda ula hadlay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yasiin Xaaji Maxamuud Faratoon iyo Wasiirka khaarajiga Ereteriya Cismaan Saalax Maxamed.

Wasiirka khaarajiga Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Weftigu waxa ay u yimaaddeen inay is-kaashiga iyo xidhiidhka dalalka geeska Afrika, gaar ahaan labada dal ee Somaliland iyo Eriteriya ay ka shaqeeyaan oo ay xoojiyaan iyo sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa ee ra’yi  iyo afkaar la iskaga dhaafsan lahaa, si wanaagsanna waannu u wada hadalnay.”

Wasiirka arrimha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax Maxamuud oo isna halkaas ka hadlay ayaa isagoo ka hadlaya ujeedada safarkiisa wuxuu yidhi  “Weftigayaga ka socda dalka Eriteriya waxa nasoo diray madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki,  si aannu wax badan uga ogaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaadhay waqtigii aannu Somaliland iman lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waanu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey, waxaana uu noo sharaxay xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwa dhaqaale ee dalka, imikana waxannu noqonaynaa annaga oo madaxweynahayagii u sidna xaaladda ka jirta Somaliland, tanina ma noqon doonto booqashadii ugu dambaysaye waxa ay noqon doontaa mid furanta, waxana aanu rajaynaynaa inaanu Somaliland marar badan kusoo laaban doonno.”

Weftiga oo xalay u hoyday caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa la filayaa inay maanta dib ugu noqdaan magaalada Addis Ababa oo ay ka soo kiticmeen shalay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here