Madaxweyen Cagjar Oo Looga Yeedhay Xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya

0
1045

Jigjiga(Geeska/BBC)-Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar), ayaa mar kale looga yeedhay xafiiska raysalwasaaraha Itoobiya ee Addis Ababa.

Sida ay shalay sheegtay laanta Afka Soomaaliga ee BBC, Madaxweyne Cagjar ayaa shalay u socdaalay magaalada Addis Ababa, waxaanay u dhowdahay in wax laga weydiin doono xiisada siyaasadeed ee sababtay inuu caydhiyo wasiirkiisii warfaafinta.

Xafiiska xeer ilaalinta Itoobiya ayaa shaaciyay tirada dadka loo aqoonsan yahay iney sababta u yihiin dhibaatadii 4-tii bishii Agoosto ka dhacday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida.

Dhowr jeer ayaa madaxweynaha looga gacan haadiyay Addis Ababa, waxaana ay arrimahan daba socdaan xasarado siyaasadeed oo maalmahan ka aloosan deegaanka ismaamulka Soomaalida.

Geesta kale Mas’uuliyiinta xeer ilaalinta guud ee dalka ayaa Shir Jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in 46 ruux ay mas’uul ka yihiin tacadiyadii dhacay, waxayna intaas ku dareen in 6 ka mid ah dadkaas horay gacanta loogu dhigay oo ay xiran yihiin.

Waxaa socda howlgal loogu raad joogo dhammaan 40-kii ruux ee kale, sida lagu qeexay macluumaadka uu shaaciyay xafiiska xeer ilaalinta guud ee dalka Itoobiya.

Waxay sheegeen in 6-da ruux ee xidhan uu ku jiro madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer ilaalinta ayaa shirkooda jaraa’id ku qeexay in eedeysaneyaasha lagu raad joogo ay ku kala sugan yihiin dadlka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Waxay sidoo kale intaas ku dareen in ay la xidhiidheen dowladaha ay dadka baxsaday ku sugan yihiin ayna ka codsadeen in meelaha ay joogaan laga soo xidho, loona soo gacan galiyo dowladda Itoobiya.

Qaar ka mid ah dadka lagu raad joogo ayey sheegeen iney ku sugan yihiin dalal ku yaalla qaaradda Afrika, inkastoo aanay carrabaabin.

Waxaan sidoo kale ilaa iyo hadda si rasmi ah loo shaacinin magacyada dadka la doon doonayo.

4-tii Bishii Agoosto ee sannadkii la soo dhaafay ayaa mudaharaadyo ka dhacay magaalada Jigjiga lagu geystay tacaddi iyo boob hanti oo waxyeello badan geystay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here