Madaxwaynaha Somaliland Oo Magacaabay Masuul Cusub

48
3904

Hargeysa(Geeska)- Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magacaabay Masuul cusub kaasoo u qaabilsanaan doona Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Diyaaradaha ee Somaliland, kaas ah Cabdi Maxamed Rodol oo ah duuliye sare.

 

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI 2017

Waxaana war-saxaafadeedkii uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ku magacabay masuulkan ay u dhignay sidatan:- “Xafiiska Madaxweynaha

Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

 

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here