“Madaxtooyadu Waa Inay Dadka Abaaruhu Heleen Wax Uga Soo Saarto Sanduuqa Gurmadka”

0
590

Hargeysa (Geeska)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa ka hadlay abaaraha ka jira deegaano badan oo ka mid ah dalka, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu gabtay waajibkii ka saarnaa Shacabka, isla markaana ay ka gaabisay gurmadkii iyo caawintii looga baahnaa.

1

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sido kale ka hadlay Diiwaangelinta oo maanta ka bilaamaysa Gobolka Awdal, waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaya hadalkiisi ku bilaabay “Dalkii abaaro ayaa ka  jiraa, Dadkii dhibaatooyin biyo la’aan iyo cunto la’aan ayaa haysta, xaalad xun oo abaartu sabab u noqotay ayaa haysta, Xukuumadda ayaa waajibka kowaad ka saarnaa inay dadkaas la gaadho Biyo iyo Raashin, laakiin xilkeedii iyo waajibkeedii ka saarnaa may garan, waxa jira Sanduuqa Gurmad Qaranka, oo marka masiibooyin  yimadaan sida Abaaraha iyo wixii la midka ah ALLE ha inaga hayo ayaa loo baahan yahay in Sanduuqa Gurmadka Qaranka oo maaliyiin lacag ah lagu guro, oo waliba Sannad walba Misaaniyada lagu soo daro oo sidii loo baahnaa iyo meesha looga baahnaa in wax lagaga qabto aanay Xukuumaddani kaga qaban,ee sida ay doontu u isticmaasho, ayaa Madaxtooyadu intay ganacastada la shirayso, waxa haboonayd  Sanduuqa Gurmadka Qaranka inay dadka Abaartu hayso wax ugu qabato, oo Biyo iyo Raashin ugu iibiso”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta waxa uu yidhi “Diiwaangelintu waatan ka bilaabaysa Gobolka Awdal, in dadka reer Awdal dhammaantood ka wada qayb galaan, oo ay kaadhka Diiwaangelinta qaataan ayaan ku boorinayaa si ay Doorashada Madaxtooyada iyo Barlamaanka u codeeyaan, waxa kale oo aan ku dhiirigelinayaa inay nabadgaliyada kala shaqeeyaan Ciidamada ku hawlan amaanka Diiwaangelinta, Shaqaalaha Diiwaangelinta ku hawlahana ay si fiican ugu hagar baxaan”