Madaxtooyada Somaliland Oo Beenisay Inuu Jiro Amar Shan Xildhibaan Lagaga Mamnuucay Gelitaanka Qasriga Madaxtooyada

0
624

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland ayaa beenisay in shan xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada laga mamnuucay inay gudaha u galaan qasriga madaxtooyada. Xildhibaanada ayaa isugu jira kuwo ka soo jeeda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo kuwo KULMIYE ah balse xukuumadda dhaliila.

Warbaahinta qaar ka mid ah ayaa maalmihii u dambeeyay baahiyay in ilaalada madaxtooyada loo dhiibay liis ay ku qoranyihiin shan xildhibaan oo kala ah xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Ibrahim Mahdi Buubaa, Bashiir Tukaale, Xildhibaan Rayte iyo xildhibaan Maxamed Cali Xirsi , kuwaas oo laga mamnuucay inay gudaha u galaan qasriga madaxtooyada. Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isagu habeen hore u waramay idaacadda madaxbanaan ee Hilaac ee ay xarunteedu dalka Finland tahay ayaa sheegay inay warkaas maqleen ka hor intii aanay warbaahintu faafin, waxaanu ku tilmaamay talaabo distoorka lagu jebinayo, “Warkaas intaanay warbaahintu qorin ayaanu maqalnay, inkastoo aanaan madaxtooyada saddexdii sannadood ee u dambeeyay gelis baad sheegaysaaye aanaan gidaarkeeda ka ag wareegin. Laakiin waa arrin yaab leh, maadaama oo uu xildhibaanka dastuurku u damaanad qaaday inaan meelna laga horjoogan karin, markaas qodob dastuuriya ayaa la jebiyay, midda kale umadii ayaa meel lagaga dhacay waayo xildhibaanku wuxuu metelaa dad.”

Jawaabta madaxtooyada

Hase yeeshe afhayeenka madaxtooyada Somaliland Axmed Saleban Dhuxul, oo uu Geeska Afrika xalay wax ka weydiiyay jiritaanka amarkan, ayaa wuxuu sheegay inaanu gebi ahaanba jirin go’aan madaxtooyada lagaga mamnuucay shanta xildhibaan, “Wax jira iyo wax raad leh midna maaha, madaxtooyaduna mucaarad iyo muxaafidba waa madaxtooyadii qaranka, qof walba oo muwaadin ahna waa madaxtooyadiisii.” Ayuu yidhi afhayeenka madaxtooyadu.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “xukuumadda ama madaxtooyaduna kuma mashquulsana shakhsiyaad ee waxay ku mashquulsantahay danaha qaranka iyo horumarintiisa.”

Mar kale wuxuu wargeysku afhayeenka weydiiyay bal inuu leeyahay gebi ahaanba amarkaasi ma jiro, waxaanu yidhi, “Gebi ahaanba wax jira maaha, Warkaasna halkay ka keeneen iyagaa og oo waa arrin u taala, laakiin wax jira maaha, waana war been ah.”