Madaxtooyada Oo Sharaxday 19% Itoobiya Laga Siiyay Dekedda Berbera

0
435

Hargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland ayaa sharaxaad ka bixisay hadal uu yidhi wasiirka ganacsiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb oo uu ku sheegay in Itoobiya dekedda Berbera laga siiyay saami dhan 19% oo aanu sharaxin.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen-deyr oo u waramay agaasimaha HCTV Maxamed Cabdi Ilig, ayaa sheegay in saamigaas 19% ah ee Itoobiya ay siisay shirkadda DP world oo leh 65%. “Waraysiga wasiirka waan dhagaystay, muu odhan dawladda Somaliland ayaa 19% siisay Itoobiya, wasiirku wuxuu yidhi dawladda Itoobiya waxya leedahay 19%. Isweydiintu waxay tahay yaa siiyay, shirkadda DP world waxay leedahay 65% oo ah saamiga badan, 35% qaranka Somaliland ayaa leh, baarlamaankuna taas ayuu ansixiyay, heshiiskana waxa ku qoran cidda saamiga badan leh ama cid walba haddii ay doonayso saamigooda inay cid kale siiso way u madaxbanaantahay. Sidaas darteed 19% Itoobiya leedahay, maaha saamigii qaranka Somaliland  35%-kii ay lahayd ayaa laga jaray, shirkadda DP world ayaa leh oo bixisay 19% oo ku wareejisay Itoobiya, xaqna way u leedahay.”

Wasiirka waxa la weydiiyay in 19% Itoobiya la siiyay uu waafaqsanyahay xeerarka iyo shuruucda Somaliland, waxaanu afhayeenku yidhi “Baarlamaanku wuxuu ansixiyay heshiis draft ah oo labada dhinac isla gaadheen oo ah Memorandum of understating MOU, waxaan ku qoran heshiis ay labada dhinac isla gaadheen cidda saamiga badan leh, xaq waxay u leeyihiin in saamigooda ay siiyaan cidda ay doonaan.”