Madaxii Goob-Joogayaasha Oo Sheegay In Doorashadii Somaliland Ay Soo Jiidatay Indhaha Dawlado Shisheeye Oo Si Dhow Ula Socday

0
1019

Hargeysa(Geeska)-Dawlado badan oo reer galbeed ah ayaa la sheegay inay indhaha ku hayeen doorashadii madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoontay November 13.

Michael Walls oo ah madaxa kormeerayaashii caalamiga ahaa oo u waramay wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay inuu doorashadan u dambaysay ku arkay diblomaasiyiin iyo masuuliyiin shisheeye ah oo la socday doorashada, kuwaas oo uu sheegay inaanu hore ugu arki jirin doorashooyinkii hore ee Somaliland, isagoo xusay in tani muujinayso sida ay dunidu u xiisaynayso doorashadaas qabsoontay.”Aragtidayda Somaliland horumar weyn ayay ka samaysay adkaynta nabadgelyada, ka dib dagaalkii xumaa [dagaalkii SNM iyo siyaad Barre] iyo aasaaska nidaamka doorasho dimuqraadi ah.” ayuu yidhi Mr. Walls oo isagoo ka jawaabaya in doorashadani Somaliland u horseedi karto aqoonsi uu  intaas raaciyay “Anigu ma ma joogo xafiiskii aan go’aan kaga gaadhi lahaa qaddiyadda Somaliland caalami ahaan, laakiin shaki kuma jiro in dawlado badani ay si xoogan ula socdeen guusha ay Somaliland ka gaadhay arrimahan. Si dhow ayaanay ula socdeen doorashadan.”

Ergaygan hoggaaminayay goob-joogayaashii caalamiga ahaa, wuxuu sheegay oo uu intaas raaciyay “Waxa doorashadan u dambaysay   joogay diblomaasiyiin badan oo shisheeye iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo aanan hore arag.”

Wuxuu mr. Walls intaas raaciyay in doorashada Somaliland ahayd mid xor iyo xalaal ah, iyagoo aan goob-joogayaashu sida uu sheegay aanay arag waxyaabo waaweyn oo khaladaad ah oo bedeli kara natiijada doorashada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here