“Madax-dhaqameedku Wanaaga Ha Ilaaliyaan, Dawladduna Ixtiraamkooda Waa Inay U Haysaa”

21
2803

Suldaan Aadan Faarax

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland ayaa talooyin u soo jeediyey Madax-dhaqameedka iyo Dawladdaba.

Suldaan Aadan Faarax Cumar oo u waramay Wargeyska Geeska Afrka ayaa ugu horeyn yidhi“Waxaan leeyahay Madax-dhaqameedku wax badan bay dalkan u soo qabteen, Somaliland waxay Somaliya dheertay waa Madax-dhaqameedka, nin Madax-dhaqameedka hoos u eegi kara, oo sahlan karaa ma jiro, dalka iyo dadkaba masuuliyad weyn bay ku leeyihiin, oo aanu nina dafiri karin, dal baynu nahay, oo dawlad baynu nahay, shuruuc baynu leenahay, ee haddii aanay shuruucdu jirin, dalku shaqeeyn maayo, Fulinta, Golayaasha, Maxkamada iyo Cadaaladu shaqeeyn mayaan, haddii aanay shuruuci jirin, Salaadiintuna tiirarkaas ayey ka mid yihiin, Madax-dhaqameedkuna iyaga ayaa Bulshada xukuma, oo Dawladda uga hooseeya, ee Madax-dhaqameedku wanaaga ha ilaaliyaan, Dawladduna ixtiraamkooda waa inay u haysaa, si aanay dadku iskugu dhicin”.

Suldaan Aadan mar uu ka hadlaayey qaranimada Somaliland ayaa yidhi“Dalku mustaqbal wanaagsan buu leeyahay, horumar dhinac kasta ahna weynu hiigsanaynaa, weyna gaadhi doonaa insha allaah, Somaliyana inay waa dal aynu is hayno, oo wax inoo soo kordha raali kama aha, ee Somaliya inay ninkii raacaba waa isku keen mid, ee inaga waxa inala gudboon in wax kasta oo dalkeena lid ku ah inaynu meel uga soo wada jeesano, wax kasta oo horumar iyo badhaadhe u ahna inaynu wada taageerno, mucaarad iyo muxaafidba, ALLENA waa kaas abaartii inaga dulqaaday, oo raxmaadkiisi inoo shubay, ee aynu ku dadaalno sidii aynu tacab iyo wax soo saar ula iman lahayn”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here