Madax Dhaqameed Suldaan Xidhan Ku Eedeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha

0
551

Picture2Hargeysa (Hargeysa)- Qaar ka mida ah salaadiinta iyo cuqaasha gobolka Maroodijeex ayaa ka hadlay amar lagu sii daayey Suldaan Cabdiraxiin Saxariid Kaahin oo ay sheegeen inuu hor istaagay wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade. Madax dhaqameedkan ayaa sheegay in suldaanku saldhigyada magaalada Hargeysa ku xidhan yahay mudo afar maalmood ah, iyagoo sheegay inay hayaan cadaynta warqada lagu sii daayey suldaan Cabdiraxiin Saxariid Kaahin oo ka soo baxday maxkamada sare ee Somaliland. Waxgaradka iyo madax dhaqameedka gobolka Maroodijeex qaarkood oo saxaafadda la hadlay ayaa sidan sheegay “suldaanak oo mudo afar cisho ah xadhig baadali ah oo xaqdaro ah ugu xidhnaa saldhigyada oo uu ku eedaysanahay wasiirka arrimaha gudahu, kadib markii maxkamada sare ay soo siisay warqad soo dayn ah. Markii uu saxeexay taliyaha saldhigu amar uu ku soo riday wasiirka arrimaha guduhu taliyaha oo uu ku yidhi jooji aniga ayaa haystee, wuxuu ku haysto wasiirka arrimaah gudaha ayaa jawaabteeda laga sugayaa”.

Warqad uu ku saxeexan yahay Axmed Dalmar Ismaaciil oo ah gudoomiyaha maxkmada gobolka Maroodijeex ayaa lagu amary in lagu sii daayo suldaanka, taas oo ku taariikhaysnayd 30/08/2015, isla markaana ay saxaafada u soo bandhigeen waxgaradka xadhiga Suldaanka ka hadlay. Ugu danbayntii madaxda dhaqameedka iyo waxgaradka gobolka Maroodijeex ee saxaafada la hadlay ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland in si degdeg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo suldaanka.