Madax-banaanida Somaliland Oo 30 Jirsatay Iyo Sida Looga Dabbaal-degay Gudaha Iyo Dibedda Dalka

0
530

Hargeysa (Geeska) – Guud ahaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa si wanaagsan looga xusay Xuska 18-ka May ee sannadkan 2021, kaasi oo ku beegan 30 Guurada ka soo wareegtay Markii Somaliland ay Madax-banaanideeda kala soo noqotay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, 1991-kii.

Shacabka Somaliland, ayaa u debbaal dagaya sanad guurada 30aad ee kas oo wareegtay markii magaalada Burco lagaga dhawaaqay in Somaliland ay Madaxbanaanideedii kala soo noqotay Jamhuuriyadii Soomaalida.

Kumanaan shacab dhalinyaro u badan oo lulaya calanka ka kooban 3-da midab ee casaanka, akhtarka iyo caddanka ee tawxiidku ku xardhanyahay, ayaa cadceed dhicii doraad iskugu soo baxay faras magaalaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Dhalinyaro ka lulata baabuur lagu xardhay calanka Somaliland, ayaa suuqyada hadba dhinac u wareegayey, kuwaasi oo qaarkood aanay seexan habeenkii oo dhan, iyadoo cadceed soo bixii Shalayna ay dabbaal dagyadu sii balaadheen.

Heesaha tilmaamaya gooni isutaaga Somaliland, ayaa ka baxayey baabuurta, meheradaha ganacsiga iyo fagaarayasha magaalooyinka waa wayn.

Sanadkan oo ku beegan tahay 30 Guurada Madax-banaanida Somalilad, 18 May looma xusin sidi looga bartay sanadihii hore, manay jirin fantastiyo waawayn oo ay dowladdu qaban qaabisay saamaynta caabuqa Covid-19 iyo abaaro jiray wakhtigii qaban qaabada la samayn lahaa awgood, marka laga reebo Xaflado Xalay lagu qabtay Madaxtooyada iyo Hoteellada Hargeysa qaarkood, kuwaasi oo ay ka qayb-galeen Masuuliyiinta Dawladda iyo Bulshada haldoorkeedu.

Xafladda 18-ka May, waxa ka qayb-galay Wufuuf k socda Dalalka Somaliland la deriska ah, kuwaasi oo lagu marti-qaaday, sida Wefti ka socda Dalka Jabuuti, kuwaasi oo 17-kii bishan dalka soo gaadhay.

Sidoo kale, waxa Xaflado Shalay lagu qabtay Magaalooyinka Ceerigaabo, Berbera, Laascaanood, halka ay Dadweynaha Hargeysa isugu soo baxeen Suuqyada, si ay u muujiyaan Qiimaha Maalinta 18-ka May.

Sidoo kale, Qurbe-joogta Somaliland, ayaa dalalka ay joogaan ku qabtay Dabbaal-degyo waaweyn, si ay u muujiyaan ahmiyadda ay Maalintani ugu fadhido.

Debbaal-daga 18 May ayaa ku taariikhaysan 30 sano ka hor 18 May 1991 markii ay waxgaradka iyo beelaha dega Somaliland isku raaceen in ay soo celiyaan Somaliland tii 1960 la midowday Soomaaliyadii koonfureed, isla markaana dhistaan Dawlad ka madax-bannaan Jamhuuriyaddii Soomaalida.

Go’aanka ah in loo soo celiyo Madax-banaanidii Somaliland, ayaa yimid markii Shacabka Somaliland dhibaato kala kulmeen Dawladdii Milletariga ahayd ee uu hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre isla-markaana diyaaradihii dagaalka ee Dawladdu ay duqeeyeen Hargeysa inta ka soo kacaan Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, taasi oo keentay in la aasaaso Jabhaddii SNM, taasi oo dagaal qadhaadh la gashay Ciidammmada Milletariga ee Soomaaliya.

Ugu dambayn, Somaliland oo 30 sano ka Madax-banaanayd Soomaaliya isla-markaana aan weli aqoonsi buuxa ka helin Beesha Caalamka, ayaa muddadaa waxa soo Xukumay 5 Madaxweyne oo 3 ka mid ahi ku yimaaddeen doorasho Cod iyo Qof ah, waxayna samaysatay dhammaan waxyaabihii looga baahnaa Dawlad, sida Lacag, Calan, Ciidan, Baasaaboor, waxayna ku naaloonaysaa Amni, Goleyaasha Baarlamaan, iyadoo ku raad-joogta inay beesha caalamka ka hesho Ictiraaf buuxa.

 

Geeska.net/Hargeisa Office