Madal Lagu Soo Bandhigay Buug Laga Qoray Abwaan Cabdi Qays

0
853

Picture3Hargeysa(Geeska)-Munaasibad si heer sare ah loo agaasimay oo aanay u kala hadhin labeenta Bulshada Somaliland, ayaa habeen hore lagu soo bandhigay Buug loogu wan-qalay Buugga DARMAAN IYO DALXIIS oo lagu ururiyey Taariikh-nololeedka iyo Fanka Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-Qays) oo kaalin mug leh ka soo qaatay Fanka iyo Suugaanta Soomaalida isla markaana si weyn looga yaqaano deegaannada kala duwan ee bulshada Soomaalida ahi ku dhaqan tahay.

Buuggan oo uu qoray Maxamed Cismaan Muxumed (Ugaaska) oo muddo ururinayey taariikhda iyo Suugaanta Abwaan Cabdi Qays, ayaa lagu soo bandhigay Munaasibad Habeenimadii Jimcaha ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, taas oo ay soo qaban-qaabiyeen Guddi dhalinyaro ah oo bahda Qalinleyda ah,  waxaana munaasibadda ka qayb-galay haldoor tiro badan oo isugu jira Abwaanno, madaxda Xisbiyada, Masuuliyin Xukuumadda ka tirsan, Siyaasiyiin, Xildhibaanno, Aqoonyahan Madax-dhaqameed, Bahda Qalinleyda, Dhalinyaro, Haween iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horeyn, waxaa munaasibadda ka hadlay Qoraaga qalinka u qaatay Buugga, Maxamed Cismaan Muxumed (Ugaaska), oo faah-faahin ka bixiyey geeddi-socodkii uu la soo maray ururinta Taariikhda iyo Suugaanta Abwaanka iyo caqabado uu xusay inuu kala kulmay muddadii uu guda jiray Ururinta Xogta iyo Qoraalkiisaba, waxaanu si gaar ah ugu mahad-celiyey  Qoraaga reer Jabuuti ee Cabdalla Xaaji oo gacan ka siiyey Ururinta taariikhda iyo suugaanta buuggu xambaarsan yahay.

Maxamed waxa uu sheegay inuu wakhti, tamar iyo Dhaqaalaba ku bixiyey sidii uu dadka aqoonta u leh Abwaanka uga heli lahaa waxa ay ka hayaan Taariikh-nololeedka iyo Suugaanta Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-qays).

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland wakhtigan ah siyaasi ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna qoraa ururiya taariikhda, Boobe Yuusuf Ducaale, oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey aqoonta uu u leeyahay Taariikhda iyo Suugaanta Abwaan Cabdi-Qays oo uu ku sifeeyey nin Eebbe ku mannaystay Hiwaayadda Fanka, isaga oo tusaale u soo qaatay Heeso uu sameeyey Abwaanku sannadihii Lixdamaadkii ka hor intii aanay Milatarigii uu hoggaaminayey Siyaad Barre Af-gembiga kula wareegin hoggaaminta dalkii laysku Odhan Jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxaanu Boobe Yuusuf Ducaale goobta ka akhriyey qaar ka mid ah suugaanta Abwaanka.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame [Hadraawi] oo ka mid ah Suugaanyahannada ay taariikhda soo wada-qaateen Abwaan Cabdi-Qays, ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin ay goob-joog u soo wada ahaayeen oo uu ka xusay wakhti Xabsiga ku wada-jireen Xilligii Dawladdii Siyaas Barre oo ay suugaantooda ku dhaliiili jireen maamulkiisa. Mar uu ka hadlayey dabeecaddiisa iyo shakhsiyaddiisa, waxauu yidhi Abwaan Hadraawi, “Cabdiqays waa nooca qalbi xab-xabka ah ee aadka u naxariista badan, beentayna maaha. Caawa waxaan ku farasanahay inay intan oo dad ahi u soo shirtay waxaanay muujinaysaa inay tahay uun xaqa uu Cabdiqays leeyahay in la siiyo.”

Abwaan Hadraawi waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay Xuska iyo Xusuusta loo sameeyo qofka karaamada iyo tixgelinta ku dhex leh bulshada, waxaanu yidhi,  “Dadyahaw aniga caawa dardaaran-kaygu waxa weeye, qofku marka uu noolyahay ayuu mudan yahay in wixiisa laga sheekeeyo ee maaha marka uu dhinto inaad tidhaado sidan iyo sidan buu ahaa, Cabdi-Qaysna waa nin faxal ah, waana nin wanaagsan ee sidaa ku ogaada kana war-haya.”

Abwaan Hadraawi, waxa uu soo qaaday haynta iyo bixinta adduun ee Cabdi-Qays, waxaanu yidhi, “Cabdiqays waa nin faxal ah waxaanan hubaa hadii caawa lasiiyo $1000 Doolar inaanu waagu jeebadiisa waxba uga baryayn ee uu dadka u qaybinayo.”

Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga UCID Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan oo munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay qiimaha ay leedahay xuska iyo hadal-haynta taariikhda shakhsiyaadka uu ka mid yahay Cabdi-qays oo uu sheegay in isaga iyo Qoraaga buugga qorayba ay sharaf u tahay,

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay aqoon qoto-dheer isku leeyihiin Abwaan Cabdi-Qays, ayaa ka sheekeeyey qaybo ka mid ah taariikho ay soo wada-mareen Cabdiqays, waxaanu ku sifeeyey inuu yahay Qof gacan furan oo wixii uu hayo dadka aan ka ceshan, isaga oo tusaale u soo qaatay wakhti uu CabdiQays Magaalada Hargeysa ka furtay Hudheel, dabadeedna hudheelkii muddo kaga baaba’ay. “Kii soo galaba waxa uu yidhaadaa siidaaya anigaa qaba kharashkiisee dabadeedna wuu kacay waxaana loo qabsaday Raashinkii uu karinayey,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu guddoomiyaha Kulmiye intaas ku daray oo yidhi, “Axmed Mooge, Cali Banfas, Axmed Gacayte, raggaas ayay Cabdiqays isku xili ahaayeen way wada dhinteen dhamaantoodba ee Illaahay hawnaxariisto.”

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay, Gudoomiyaha Jaamacadda Gollis Siciid Axmed Xasan, ayaa sheegay in Jaamcadiisa Gollis leedahay qayb lagu barto dhaqanka iyo Fanka, waxa uu madasha ku kafaalo-qaaday inuu la wareegayo isla markaana bixinayo Kharashka 150 Nuqul oo Buugga Madasha lagu soo bandhigay ah, isaga oo sheegay inuu 100 Nuqul u qaadayo Jaamacadda, halka 50-ka kalena uu ugu sheegay inuu ugu tabarucayo dhalinyarada iyo dadka aan awoodin inay iska bixiyaan kharashka Buugaasi. “Hadaynu nahay Somaliland ama Soomaalida oo dhan-ba waxaynu ku hadalaa Afkii Soomaaliga ahaa ee dhabta ahaa laakiin waxaan idinku dardaarayaa inaad sii dhiirrigalisaan ku hadalka Afkii hooyo ee Soomaaliga,” ayuu yidhi.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cali Siciid Raygal, ayaa sheegay in Abwaan Cabdi-Qays ka mid yahay Shakhsiyaadka Baalka Dahabka ah kaga yaala Bahda Fanka iyo Suugaan yahannada Somaliland, sidaa awgeedna loona baahan  yahay in laga war hayo intooda nool. “Waxaan soo jeedinayaa inaynu daryeelo oo aynu mooraalkooda dhisno,” ayuu yidhi Mr Raygal waxaanu halkaa kaga dhawaaqay inay wasaaradiisuna Buuggan ka qaadanayso 150 xabo .

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Kalluumaysiga Cabdikariin Axmed Mooge oo ah wiil uu dhalay Fannaankii Weynaa Axmed Mooge oo ay isku wakhti ahaayeen Cabdi Qays, ayaa idhi,“Anigu waxaan ka soo jeedaa qoys fanka lagu yaqaano sidaa darteed Cabdiqays waxa u igu xidhiidhiyaa Saaxiibtinimidii ka dhaxaysay isaga iyo Aabahay. Adeerkay Cabdiqays waa Abwaan ka dhexeeya shacabka ku hadla afka Somaliga oo dhan balse aan ku ekayn Somaliland oo kaliya. Adeer waxaad igu ogtahay inaan ku xasuusan doonaa inta aan noolahay walaashda Nairobi joogtana waan kaa gaadhsiindoonaa.”

Gunaanadkii munaasibadda waxa ka hadlay Abwaan Cabdi Aadan Xaad [Cabdiqays], waxaanu mahad naq  ballaadhan u jeediyey dadkii ka qayb-galay munaasibadda iyo Guud ahaan cid kasta oo ka qayb-qaadatay daabacadda Buugga iyo ururinta xogtiisa, isaga oo si gaar ah ugu mahad-naqay Qoraaga qalinka u qaatay buugga taariikhdiisa iyo Suugaantiisa lagu soo ururiyey ee Dardaaran iyo Dalxiis. “Waxaanhalkan uga mahad naqayaa dhamaan dadkii ka soo qaybgalay xafladan gaar ahaan anigu Ugaas odhan-maayee wiilkanyar ee aan adeerka u ahay ee Buugan ku soo ururiyey aniga iyo Taariikhdayda iyo Fankayga,” ayuu yidhi Awbaan Cabdi Aadan Xaad [Cabdi qays].