Madal La Isku Arkay Oo Lagu Soo Bandhigay Bilawga Barnaamij Hor Leh Oo Ardayda Waxtar U Leh 

0
496

Hargeysa (Geeska) Munaasibad lagu daah-furayay Barnaamij Taxanne ah oo lagu tayaynayo Waxbarashadda Somaliland ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Somaliland.

 Barnaamijkan oo loogu Wan-qalay Aqoon Jire, waxaa iska kaashaday  Wasaarada Waxbarashada iyo Bulsho Tv. “Barnaamijka waxaa loogu tala-galay inay ka faa’iidaystaan Ardayda dugsiyadda sare, gaar ahaan fasalka afraad oo imtixaankoodii soo dhawyahay. Waxaana Barnaaijkan oo ka bixi doona Bulsho Tv uu yahay casharaddii dugsiga sarre oo ay dhigayaan macalimiintii diyaarisay manhajka qayb ka mid ah. Waxaana uu ka kooban yahay oo ay ardaydu toos u qaadan doonaan casharaddii saddexda Saynis iyo Xisaabta.”Sidaas ayuu yidhi agaasimaha manaahijtu.

Waxaa kale oo isna ka hadlay agaasimaha dugsiyadda gaarka ah ee Wasaarada waxbarashada Muuse Maxamed Shide oo tilmaamay muhiimadda ay siinayaan hawlaha wax tarka leh ee la xidhiidha waxbarashada.

Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo isna madasha ka hadlay ayaa ardayda ugu bushaareeyay in sanadkan Imtixaanka shahaadiga ah lagu soo qaadayo waxbarashadda dugsiyadda sare iyo Dhexe oo kalli ah. “Waa sanadkan uun maadaama Manhajka la qoray sanadkan Imtixaanku waxaa uu ku koobnaanayaa kalaaska afraad ee Dugsiga sare iyo fasalka 8-aad. Waxaanan leeyahay ardayda dugsiyadda Sare ka faa’iidaysta casharaddaas Bulsho TV ka bixi doona oo haddaydaan muraayad TV haysan isku dar-darsada oo kooxiba mid ha isugu tagto.”Ayuu yidhi.

Laba maamule oo ka kala socday Dugsiga Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf iyo Salaama ayaa iyana madasha ka hadlay oo soo dhaweeyay barnaamijkan.

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), oo sheegay inay dhawaan bilaabayaan Dugsi wax bara Wariyayaasha.  Cabdi-shakuur Haybe iyo Jacfar Axmed Badde oo iyana u kala hadlay Warbaahinta madaxa banaan iyo tan dawlada  ayaa soo dhaweeyay barnaamijkan. Sidoo kale, Maxamed Baashe Xaaji Xassan oo ah qoraa aad loo qaddariyo ayaa tilmaamay in Warbaahinta lagu suntay shaanbad fool-xun, taas oo uu tilmaamay in barnaamijkan ardayda waxbaraya  uu meesha shakigaas ka saarayo, waxaana uu boggaadiyay Bulsho TV iyo Wasaaradda Waxbarashadda.

Tifaftiraha guud ee Bulsho Tv Mustafe Sheekh Cumar oo isna madasha ka hadlay ayaa tilmaamo ka bixiyay waqtiyadda ay u qorsheeyeen Taxanahan cusub ee Tayaynta Waxbarashada. “Waxaa uu barnaamijku bilaabmayaa 15-ka Bishan, maalin walba saacad ayaanu ugu tala-galay laba xiisadood ah. Waxaana uu baxayaa 4:30 ilaa 5:30 galabnimo maalin walba laga bilaabo Sabtidda haddii Ilaahay Idmo. Waxaanan boggaadinayaa Wasaaradda Waxbarashada oo hawshan lafdhar u ahayd.” Ayuu yidhi Mustafe Sheekh.

Guddoomiyaha shirkadda agabka Waxbarashada ee daabacday Manhajka Qaranka Hema Company Maxamed Aadan Maygaag oo isna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamo ka bixiyay ahmiyadda hawsha waxbarashadu ummadda u leedahay, sidoo kale waxaa uu sheegay in caqabad kasta oo ka hor timi ay guul u tahay maanta oo manhajku yahay hanta Qaranka Somaliland leeyahay maanta.

Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xassan  ayaa isna tilmaamo ka bixiyay doorka waxbarashadda iyo Xidhiidhka Warbaahintu ka qaadan karro horumarinta Bulshadda. “Hawlaha qaranku waa Qori isku dhiib, xafiiskayaga warfaafinta ee Wasaaradda waxaa bilaabay Wasiir Samsam Cabdi Aadan, Wasiir Cabdilaahina waa uu dhaqaajiyay. Waxaana uu ka waramay

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo tacliinta sare Prof; Cabdi Cali Jaamac oo tilmaamay in Somaliland u baahantahay inay waxbarashadda u adeegsato Tagnoolajigga. “Si aynu u gaadhno ummadda horumartay, waxaa aynu doonaynaa inaynaan sidii caadiga ahayd u socon ee aynu hore u socono.” Ayuu yidhi Agaasimuhu.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa sheegay in Somaliland lixdamaadkii waxbarashadda ku jirtay dalalka ugu horeeya, waxaana uu tusaale u soo qaatay Imtixaan ay galeen waddamadii Ingiriisku gumaysan jiray 1964-kii oo Somaliland kaalinta koowaad ka gashay. Waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in heerkaas la gaadhsiiyo. “Hadyada ugu qaalisan ee Ilaahay aadamiga siiyay waa Cilmiga” Ayuu yidhi Wasiiru dawluhu.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdillaahi Ibraahim Habane oo munaasibadda soo gunaanaday ayaa ka warbixiyay geedi-socodka hawlaha Wasaaradaasi iyo tacabka ay galiyeen Manhajka iyo barnaamijkan Aqoon Jire oo ka baxaya Bulsho Tv. “Waxbarashadu waa Aas-aaska nolosha, waxbarashadii in aan tayaynana waqtigii loo baahnaa ayaynu taaganahay maanta. Waxaana ku tabarucay Barnaamijka Aqoon Jire Bulsho TV.” Ayuu yidhi Waxaa kale oo uu tilmaamay in sanadkan ay rajo badan ka qabaan in dalku hello deeq  waxbarasho oo ka badan intii hore oo ay dalal xoogan xidhiidh la sameeyeen.