Machadka Sidam Oo Munaasibad Qalan Jabin Ah U Qabtay 300 Oo Arday

0
651

Hargeysa (Geeska)-Machadka Sidam College ayaa munaasibad qalan jabin ah u qabtay 300 oo arday oo iskugu jira Hablo iyo Inamo, kuwaas oo ka kala qalan jabiyey kuuliyaddaha kala duwan ee uu Machadka Sidam bixiyo.

1

Munaasibadii qalan jabinta oo si heer sare loo soo agaasimay, isla markaana lagu qabtay Green Plaza Hotel ee magaalada Hargeysa ayaa wax aka soo qayb galay Masuuliyiin ka kala socda Saddexda Xisbi Qaran, Wasiiro, Safiiro, Salaadiin, Aqoonyahano, Xidhibaano, Waalid, iyo marti sharaf  aad u tiro badan.

Ardaydan ka qalan jabisay Machadka Sidam oo ah dufacadii 13aad ayaa waxa halkaas ka hadlay Maamulaha Machadka Sidam Mukhtaar Maxamed Axmed, waxaanu si xeel dheer u faah-faahiyey aasaaskii Machadka, marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, halka uu maanta marayo, iyo hiigsooda, waxaanu tilmaamay in Ardaydan qalan jabisay ay yihiin 300, oo 125 yihiin hablo, halka 175 ardayna yihiin wiilal, isla markaana ka kala qalan jabiyeen kuuliyaddaha kala duwan ee ee uu Machadku bixiyo, waxaanu yidhi “Waxaan si gaar ah u hambaliyeynayaa ardayda maanta halkan fadhida, ee barnaamijkii waxbarashada ee heer Diploma  soo gabagabeeyey, oo maanta (shalay), shahadooyinkoodii ku qaadan doonaa 300 oo arday oo 175 inamo yihiiin, 125 hablo yihiin, oo ka kala qalan jabiyey qaybo kala duwan oo Kuuliyaddu ay leedahay, waxaan leeyahay hambalyo, hambalyo, hambalyo”.

Maamulaha Sidam mar uu ka hadlaayey qaybaha kala duwan ee Machadka Sidam ka kooban yahay ayaa yidhi “Sidam waa saddex qaybood iyo qayb aanu rajaynayno oo soo socota, waxaanu maanta halkan u fadhinaa Sidam College, waxa se jira Sidam Primary School iyo Sidam Secondary School, waxa kale oo aanu rajaynaynaa Sidam University Collage oo insha allah aanu sameeyn doono, waxaanu is leenahay markaad sameeysaan Jaamacadda noqon maysaan kuwa baska dhexda ka soo raaca, ee baska waanu la soo soconay, oo waanu la soo bilawnay, oo waanu la soo qabsanay wax badan,waxaanu ku bilaabi doonaa si raaxo leh haddii ALLE idmo, sidoo kale Sidam waxay leedahay qaybo kale oo intaas ahayn, waxa jirta qaybta la yidhaahdo rajo soo celinta, rajo soo celintuna waa qof aanay waxbarashadii u suurtagelino oo aan galin markii hore, ama sagsaagay oo dhexda kaga tagay, oo meel uu gaadhiga ka foolo garan la’a, oo is leh dugsi hoose imika ma tagi kartid, dugsi sarena ma tagi kartid, jaamacadna suuragal kuma aha, kaana xal baanu u haynaa, waanu soo gaadhsiin karnaa, rajadiisna waanu soo celin karnaa, qaybtaasina iyana wey jirtaa”.

Dhinaca kale Maamulaha Machadka Sidam Mukhtaar Maxamed Axmed wuxuu sheegay inay Munaasibada qalan jabinta ee ardaydan inay ugu talagaleen wakhti hore, balse madaama ay abaaro jiraan inay dib u dhigaan, imikana ay ka fursan weyday inay qabtaan, waxaanu xusay in Machadka Sidam in wakhtigii la aasaasay lagu bilaabay arday aad u yar, balse ay hadda yihiin laba kun iyo dheeraad maalin maalinta ka dambaysana ay ka sii kordhayaan, waxaanu sheegay Machadku leeyahay nidaam aad u wanaagsan, Ardayda ka baxdaana yihiin Arda akhlaaqiyan iyo aqoonba dhisan, waxaanu tilmaamay in Macalimiinta kala duwan ee wax baraana ay yihiin macalimiin xul ah oo tayo leh, oo dhinaca walba ka dhisa Ardayda, waxa kale oo uu Maamule Mukhtaar sheegay in ardayda machadka sidam inay iyana ka qayb qaadnayaan takulaynta iyo gurmadka dadka ay abaaruhu hayaan, iyadoo halkaas loogu qaybiyey waraaqo ay ku qoran yihiin lambaro.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Marwo Faadumo Siciid oo ah la taliyha Siyaasada Arrimaha Dibadda ee Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, oo iyana halkaas ka hadlay ayaa amaan iyo bogaadin u soo jeediyey Machadka Sidam, waxayna ku amaaneen kaalinta uu Machadkani kaga jiro horumarka waxbarashada dalka, nidaamka iyo akhlaaqda ka muuqata ardayda qalan jabinaysa, waxayna ku booriyeen inay halkaas ka sii wadaan dadaalka.

Suxufiga caanka ah ee Yoonis Cali Nuur oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa ka xog waramay qiimaha ay waxbarashado leedahay, waxaanu si qoto dheer ugu waramaray wakhtigii uu isagu wax baranaayey iyo halka ay maanta wax barayaan, waxaanu tilmaamay in wakhtigan la haysto fursado badan oo aan hore loo haynin, waxaanu ku booriyey Ardaydan inay halkaas dadaalka ka sii wadaan, Sidam Collagena wuxuu ku amaanay kaalinta uu kaga jiro horumarka waxbarasho ee dalka.

Agaasimaha Waxbarashada gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada Muuse Maxamed Shide oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay qiimaha Waxbarashada leedahay, waxaanu Sidam Collage ku amaanay dhiirigelinta waxbarashada iyo qaabka uu ardayda wax u baro.

Dhanka kale waxa iyana halkaas ka hadlay masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Safiirka Somaliland ee dalka Turkiga iyo  Guddoomiyaha Komishanka ICT-ga Dawladda waxaana ay sheegeen in Machadka Sidam yahay Machad ku tayasho mudan oo hanaanka waxbarasho ee dalka kaalin weyn ka qaatay.

Arday iyo Macalimiin ka tirsan Machadka Sidam oo iyana halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Machadkani yahay Machad mar walba soo saaro Arday dhinaca walba ka dhisan, oo akhlaaq leh, machadkuna leeyahay nidaam waxbarasho oo aad u fiican.

Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay ardaydan qalan jabisay, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay oo bogaadiyey Maamulka iyo Macalimiinta Sidam Collage oo uu sheegay inay soo saareen Arday wax bartay, waxaanu ku dhiirigeliyey inay halkaas dadaalka ka sii wadaan, waxaana xusid mudan in ardaydii isku wax ka qalan jabiyeyba inay dhar isku mid ah xidhnaayeen.

Ugu dambeyntiina waxa halkaas shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ardaydan qalan jabisay, oo ka baxay kuuliyaddaha kala duwan ee ay ka mid yihiin Culuunta Computerka iyo qabihiisa kala duwan, Saxaafadda, Maamulka, Luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga, Xisaabta.