Machadka Faafinta Islaamka Oo Kulan-Diimed U Qabtay Ardayda Dugsiga Sare Ee Aljaziira

0
840

Picture2Hageysa(Geeska)-Mac-hadka Faafinta Islaamka ee qaybtiisa Somaliland, ayaa kulan-diimeed u qabtay Ardayda wax ka dhigata Dugsiga sare ee Aljaziira Secondary School ee magaalada Hargeys.

Kulan-diimeedkaas oo ardayda laga wacyi geliyay arimaha diineenka ka soo horjeeda ee ay ka mid yihiin tahriibka, waalid caasiga, adeecid la’aanta macalinka iyo is-qarxinta, waxaana ka soo qayb galay wakiilada Machadka Faafinta Islaamka ee Gobolada Maroodi-jeex iyo Hawd, Culimada Machadka,  Maamulaha Guud ee Dugsiga Aljaziira Secondary School, Ardayda iyo macalimiinta.

Kulankan oo lagu qabtay barxada dhexe ee Iskuulka waxaa hadlay Wakiilka Machadka ee Gobolka Hawd Cumar Jamac Ducaale waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen Maamulka iyo macalimiinta dugsiga Aljaziira “Ardayda iskuulkan Ajaziira waxaan u soo jeedinayaa inaad si fiican wax u barataan oo tacabkaas idinka muuqda ee waalid iyo macalimiin leh inaad ilaaalisaan oo aydaan dayacin isla markaasna aad si fiican wax u barataan oo aad diinta xooga saartaan.” Sidaas waxa yidhi MD Cumar.

Waxaa kaloo kulankaas ka hadlay Maamulaha dugsiga sare ee Aljaziira  Khadar Xaaji Yuusuf oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay bookhashada ay ugu yimaadeen ee ay ku wacdinayaan ardayda “Machadka faafinta Islaamka ka maamul ahaan iyo ka ardaya aad iyo aad ayaan u soo dhawanaynaa wacdigan diiniga ah ee ay ardayda iyo anagaba noo jeedinayaan waana mid ka maamul ahaan aanu ardayda balan kula galnay in aanu lahaano wakhti wacdi loo jeediyo tanina waa taasuun.”

Wakiilka Machadka Faafinta Islaamka ee Gobolka Maroodi jeex Sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali oo ka mid ah culimada  Mac-hadka Faafinta Islaamka ayaa ardayda dugsiga sare ee Aljaziira kula dar-daarmay barashada diinta iyo maadigaba “Waxaad arkaysaa qof maadiga xooga saaray oo la leeyahay waa aqoon yahan oo hadaad waydiiso salaada maxaa kaa jabin kara aan garanayn, markaas qofku waa inuu barashada diinta iyo mida maadigaba is bar-bar wadaa.” Sidaas waxa yidhi sheekh Qorane.

Gebo-gabadii waxaa kulankaas muxaadiro diini ah ka jeediyay Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland, waxaanu ku booriyay ardayda qabsashada xadhiga ilahy “Waxaad tihiin arday mustaqbalkoodu si fiican u ifaayo oo waxaad ku jirtaa wakhti fiican oo waxaad hesheen jaanis wanaagsan oo aad ku baran kartaan diinta iyo maadiga kaleba waayo waxaad ku nooshihiin dalkiinii oo nabad ah taas oo aad goob kasta aad ka helaysaan qoon diini ah ee waxaan idinkula dar-daarmayaa inaad diinta fahan sax ah ka qaataan waayo waxaad arkaysaan dad si khalad ah diinta loo fahan siiyay oo naftooda halaagaya oo dad kale oo aan waxba galabsana qudha ka jaraya intay qarax sameeyaan oo hadan leh janaanu gelaynaa, taasina waa mid ka soo horjeeda diinteena suuban.” Sidaas waxaa yidhi sheekh Carab oo maxaadiro dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay ardayda dhigata dugsiga sare ee Aljaziira.