Boga Khamiislaha Ee Boobe: Hadal Haynta Maalmahan

0
181

Picture1Muskii Baarlamaannada markaan, meel isugu geynay,

 Madaxweynayaal iyo markii, minister loo doortay,

 Maskaxdii wacnayd iyo dadkii, meel u wada jeeday,

 Nimankii melmelay waa kuwii, maalay keligoode,

 Marna yaydinnaan dhicin kuwii, male ku soo goostay,

 Kuwii muusannow iyo tollaay, nagula meeraystay,

 Nimankii mashaqaday dhigeen, reerba dhan u moosay,

 Suntay nagu mudeen wiilashii, la is-martiyi waayay,

 Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,

 Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,

 Ma-naxaannadii baan arladan, meerisnaw toline,

 Hadday maalintii na hor kacaan, midho-ma-weyneene,”

Timacadde, 1970kii,

cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com  

6/2/2014ka, Hargeysa,

Mug-yar moodhadh-jecel

Waa goorma goorteed. Waa lixdannadii marka uu Timacadde ka hadlayay xildhibaannadii iyo wasiirradii beryahaas. Bal hadda inta sannadood ee ka soo wareegtay u fiirsada. Iyada oo aanu garaad badani inoo kordhin, Alla maxaa gu’yaal badan inoo kordhay. Beryahaas xaalku Nadalo jaad ah ayuu taagnaa, maantana Geed iyo Abu-bidaar ayaa laga hadlayaa.

Maalmahanba dar madhan ayaa lagu loollamayay iyo waxaan sakaaro ka biirsan. Dhafoor-taabasho iyo carigsigii ugu darraa ayaa ka dhacayay Xeer-hoosaadkii Golaha Wakiillada. Muran samays ah oo aan sal ku lahayn xaqiiqo dhab ah oo jirta, bal se aanay xukuumadeenna Dul-yar Derbi-ka-adag aanay qaadan karin. Wixii aanay iyadu rabin waxay u taqaannaa sharci-darro iyo Dastuurkii oo laga leexday. Wixii ay doonaysaana waa Dastuuri. Waa sida ay xaajooyinku ula muuqdaan xukuumaddeenna Kacaan-u-eg. Xasan-jigin bikh ma maqli jirteen? Kacaankii iyo inqilaabkii askarta ee intiinna badan maqalka ku ahi bikh. Ta ay keenaanba tii kale ka daran.

Golaha Wakiillada ayaa isku beddelay Guddi-hoosaadyadii: 5 waxa madax ka noqday kulmiye, 2-na waxa madax ka noqday Waddani. La-ye waa gar-darro. Guddoomiye-ku-xigeennadii ayaa ashkateeyayba Guddoomiyihii oo Maxkamadda Sare geeyay. Taana yaa u fadhiyay. Waxba ka socon waaye ashkatadaas oo go’aankii Golaha Wakiilladu sidiisii ayuu ku socday. Goluhu markaa waa uu isu dhammaa, ugu yaraan aqlabiyaddoodii.

Intan ay booqashooyinka ku maqnaayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisii ayaa Golaha Wakiilladu mar kale fadhiistay oo wax ka beddelay Xeer-hoosaadkiisii. Kollayba inta hadal-hayntu ugu badnayd waxay ahayd: Shir-guddoonkii oo la baabi’iyay, Labadii Ku-xigeen oo codkii lagu dooranayay/ridayay laga dhigay 42 iyo kuraasidoodii oo hoos loo dhaadhiciyay. Hawshaas uu Golaha Wakiilladu galay waxa hor-mood u ahaa qaybta Golaha Wakiillada ee isku magacawda in ay xisbiga Kulmiye ka socdaan. Hadda waa xisbi raad iyo cidhib meel uu dhigay aan laga war hayn tan iyo maalintii uu doorashada ku guulaystay. Marka waxani dhacayaan xukuumaddu waa ay maqnayd, intoodii joogtayna, laguma xamanayn in ay arrimahaas gacan ku lahaayeen. Tuugna ma xado, laaxinna laga jari maayo.

Xukuumaddu hanjabaadaha iyo daasado-madhan-garaaca iyada oo aan dalkaba soo cago-dhigan ayay bilowday. Caano ri’yaad oo sanka la iska liso iyo car ayay gaadhay.  7/2/14ka, oo maalin Jimce ah ahayd Guddoomiye Cirro ayaa Addis Ababa ka yimid. Madaarka markii uu ka hadlayay wuxu xukuumadda ku eedeeyay in ay faro-gelin qaawan Golaha Wakiillada ku hayso. 8/2/14ka, oo maailin Sabti ah iyaduna ahayd, Mudane Siilaanyo ayaa London ka yimid. Isla goobtii uu shalay Cirro ka hadlayay, isaga oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay, wuxu ka yidhi hadal u ekaa anigu Guddoomiye Cirro afkiisa waxba kama maqal.

Hadalka Cirro maqal iyo muuqaalba waa aynu haynaa. Waa laga yaabaa in aanu Madaxweynuhu daawan warkaas, laakiin waxa la is-weydiinayaa: Miyaan Madaxweynaha subax kasta iyo goor kastaba la siinnin war-bixin la xidhiidha xaaladda dalka ka aloosan. Subxaan! Ilaahay ha inoo sahlo. Allow sahal ummuuraha, sow tii la odhan jiray.

8/2/14ka iyo 9/2/14ka isla eedayntii ayay ku celiyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Guddida Joogtadu. Weliba eedayntan dambe tii hore waa ay ka xoog weyneyd. Madaxtooyada uu fadhiyo Madaxweynuhu iyo Golaha Wakiillada dhacantaa u kala rogan oo dhawaaqa afka ee qaawan waa ay isla gaadhi karayaan. Haddana Madaxweynaheennu weli afka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxba kama maqal. Waa xaaladaha iyo waayaha aynu ku jirno. Guryihii ayaa xafiisyo noqday. Dadka qaar aynu hawl-gab ku tirinaynay, ma is-tidhaahdeen naf ayaa soo gashay. Hadda waa dad toodiiba gabay oo hore u soo rogan waayay.

Iyaga iyo Allahoode e’ lacagaha la sheegayay in la adeegsaday meelo kale ayaa u baahnaa. Hadda ogaada Golaha Wakiillada ayaa marba seebka dhinac inoogu dhigaya oo sicirka kala-iibsiga siyaasiyiinta kor u qaadaya e’. Waa Xildhibaannada kuwa hadba arrinta sii basbaasaynayaa si’ uu qiimuhu ama qaa’imadda qofku kor ugu kacdo. Waa aqlabiyadda Xildhibaannada Kulmiye sheeganaya kuwa Shir-guddoonka tir-tiray ee haddana maanta ku doodaya in la soo celiyo. Ma hadba sida ay doonaan baa?

Ilaahay ha ka abaal-mariyo inta ka soo gurmatay Golaha Guurtida ee Xaaji Cabdi-waraabe madaxa hayo. Ilaahayna waxaynu ka rajaynaynaa in uu sida kheyrka leh ina waafajiyo. Madaxweynuhuna waa uu gurman karayay oo cidi guusha ugama dhaweyn, wuxu se ka door-biday in uu inagu yidhaahdo anigu Cirro afkiisa waxba kama maqal iyo Golayaashu waa ay kala madax-bannaan yihiin. Inta aynu og nahay iyo inta aynu maqlaynno in ka badanna waa uu maqlayaa. Subxaan! Xilow adna dabkaa ba’.

Ninka sugayow aqlabiyadda Golaha Wakiilladu innaga inooma maqna bal se innaga ayay inagu maqan yihiin, waxa inaga maqanina iyaga ayay ku maqan yihiin.  

Inta dalqada indhaha ku leh ee hadba daamankooda la doogsin-cararta, dab liqaanu leenahay. Haddii kale: “Dagantaad dhacaysaan, waa duul an lagu jirin.”

Dhammaad iyo tirsiga 11aad ee Khamiista dambe, haddii Eebbe idmo.