Maayarkii Lascanod Ee Is Casilay Oo Sheegay Inuu Dacwad Ku Oogayo Badhasaabka Gobalka Iyo Sarkaal Kale

0
716

lascadHargaysa( Geeska )- Maayarkii dhawaan iska casilay degmada Laasacaanood Kayse Maxamed Xaaji  Xuseen, ayaa daboolka ka qaaday inuu dacwad ku soo oogayo badhasaabka gobalka Sool iyo taliyaha ciidamada boolika ee magaalada Laasacaanood, oo uu ku eedeeyay inay xabsiga dhigeen isaga oo aanay wax eed ah u hayn.

Kayse Maxamed Xaaji  Xuseen waxa uu dhabarjab inay ku tahay hanaanka dawaladnimo uu ku tilmaamay qaabkii loo xidhay, waxaanu ugu danbayntii sheegay in maalmaha soo socda uu magaalada Laasacaanood ka furan doono dacwadaas, isla markaasna uu u soo gudbi doono garsoorka sare ee dalka.

Waxa uu sidan Kayse Maxamed Xaaji  Xuseen ku sheegay mar uu xalay la soo xidhiidhay wargaysaka Geeska Afrika, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan ku dacweynayaa Badhaasbaka iyo taliyahaba inay gaysteen arin dawlada dhabar jab ku ah, maamulkii magaaldana adhaxjab ku ah, maadama oo nin maayar ah oo xafiiskiisii fadhiya oo aan wax eed ah galin oo dadkiisa raba oo maamulkiisa la shaqaynaaya oo iyaga laftigooda aanay waxba isku qabin oo eedi jirin, ay sodan daqiiqo qudahood intay 120 ciidana ku soo weerareen ay ku qabteen ayna ku rideen halka xabaglayaasha lagu xidho.” Kayse isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “Markaas dacwad waxaan u soo gubinaayo garyaqaanka guud dawlada, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, baarlamaanka, wasaarada cadaalada iyo hay’adaha xuquuqul iinsaanka ee caalamiga  ah.”

Ugu danbayntii Kayse oo aan su’aalanay goorta uu dacwadaas furnaaayo iyo meesha uu ka furanaayo waxa uu noogu jawaabay “Dacwadaydana waxaan furanayaa Saadanbe [Isniinta beri], waxaanan ka soo bilaabayaa maxkamada gobalka Sool, kadibana waxaan u soo gudbayaa heer qaran, oo waxaan imanayaa  caasimada Hargaysa.”

Maayarkii hore ee dagmada Laasacaanood Kayse Maxamed Xaaji  Xuseen ayaa shalay si rasmiya xilkaas ugu wareejiyay maayar cusub oo loo soo magaabay dagmada Laasacaanood, kadib marki uu isagu iska casilay xilkii maayarnimo.