Hargaysa(Geeska)-Maayarka Magaalada Madaxda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa Munaasibad balaadhan oo si weyn loo soo agaasimayo Shahaado Sharaf,Calanka Somaliland iyo Had-yado ku gudoonsiiyay wafti ka socda Dalka Swede, oo maalmihii ugu dambeeyey dalka ku sugnaa.
Munaasibadan uu Maayarka Caasimadda Somaliland uu shahaado sharafta iyo haydaha kala duwan uu ku gudoonsiiyey Xog-hayaha Dawladda Hoose ee Magaalada Stockholm Mr Lors Radh, ayaa waxa ay Habeen hore ka dhacday Mansoor Hotel ee Magaalada Hargeysa, ugu horayn Maayarka Caasimadda oo isagu halkaas ka hadlay ayaa Faah-faahiyay ujeedada kulankan ay u qabteen Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Sidaad la socoteen waxa inoo jooga halkan Wafti Caalami ah haddana ku jira Gaba-gabadii soona eegay meelo badan Kuwaas oo ka yimid Magaalada Stockholmee dalka Sweden ,Anaga Ka Gole Deegaanka ahaa waxaanu Waftiga Culus ugu talo galnay Had-yado qaali ah kuwaas oo ay mutaysteen,kuna Xasuusan doonaan Jamuuriyada Somaliland”.
Mayaarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay”.Had-yadahaas ayaa wax ka mid ah Calankii Somaliland alaab ka samaysan Hidaha iyo Dhaqanka u gaarka ah somaliland Maciwso iyo Koofiyadihii ay Dhaqanka u lahayd Somaliland,anagu ka Gole Deegaan Ahaana waxa ay Nagu soo Casumeen Dalkooda Waxaanan u tagi Doona Akhirka Bishan Aynu ku jiro”.
Xoghaya Dawladda Hoose ee Magaalada Stockholm Lors Radh ee dalka Sweden ayaa isaguna ka Mahad celiyay qalabka ay Had-yada ahaan u siiyeen Golaha Deegaanka ee Magaalada hargaysa waxaana uu yidhi. “Waxaan si aad iyo aad ah ugu Mahad naqayaa Maayarka Dawlada Hoose ee Hargaysa iyo Dhamaan Xildhibaanada Dawladda Hoose ee sida wayn ee aan la soo koobi karin noogu soo dhaweeyay Somaliland iyo Magaalada Hargaysa,markii aad nasoo Casuumteen waxii noogu yaabka badnaa waxa uu ahaa inaanu ogaano inaad tihiin dal Dimuq-raadi ah nabadina taalo Dalkooda hooyo ee Somaliland.
Dalka Somaliland waa dal Horumaray oo Macaa iskaashi wanaagsan lala Samayn Karo,waxaanu ogaanay Sawirkii aad noo sheegteen inuu sax yahay Nabadiina taalo Horumarna aad gaadheen,waxaanan ogaanay in ay jiraan baahiyo badan oo ah xag Waddooyinka taasna waanu idin kala Shaqayn Doona”.