Maayarka Hargeysa Oo Ka Hadlay Go’aamadii Bilicda Caasimadda Ee Uu Wasiirka Daakhiligu Ku Dhawaaqay

0
4177

Picture6Hargeysa(Geeska)-Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamud Caydiid (Soltelco),ayaa soo dhaweeyay wareegtada uu wasiirka arimaha gudahu ka soo saaray hagaajinta bilicda magaalooyinka waaweyn ee dalka,waxaanu sheegay inay ahayd shaqadoodii islamarkaana ay fulin doonaan.

Sida oo kale waxa uu daboolka ka qaaday inay wadaan inay Hargeysa ku soo kordhiyaan inshaarooyinka  ku shaqayn doona cadceeda oo kala haga baabuurta iyo nalalka amaanka ee wadooyinka oo iyaguna ku shaqayn doona cadceeda,waxaanu si adag u dul istaagay in uu dedaal ku baxin doono inay dawlada hoose ee Hargeysi ay yeelato qalab awood u sinaaya inay shaqooyin badan qabato.

Waxa uu sidan ku sheegay maayarku waraysi gaar ah oo uu siiyay xalay wargeyska Geeska Afrika. Waxaanu ugu danbayntii waraysigaas ku sheegay in ka maayar ahaan aanay soo gaadhin wareegtada ka soo baxday wasiirka hawlaha guud ee cusub taas oo xanbaarsanayd arimo la xidhiidha dhulka dawlada, oo su’aalo la iska weydiiyay.

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco oo ugu horayntii aanu su’aalnay bal sida uu u arko qodbadii uu soo saaray wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade waxa uu ku jawaabay     “Wax dhib ah uma aragno qodabada uu soo saaray wasiirku waana shaqadayadii  hawshana horaanu ugu jirnay wasiirkuna waa wasiirkayagii oo dawladaha hoose waxay wada shaqeeyaan  wasaarada arimaha gudaha,dhib uma aragno oo waanu soo dhaweynaynaa horena waanu u wadnay.”

Maayarka oo wargeysku uu waydiiyay bal waxa ka dawlad hoose ahaan u qorshaysan waxa uu si faah fahsan uu u yidhi“Wax yaabo badan ayaa noo qorshaysan oo waxaa aanu hada wadnaa in  inshaarooyinkii gaadiidka kala hagaayay oo Solar ku shaqaynaaya aanu keeno,waxay qolo ganacsato ah naga caawinayaan 250  laanbadood oo kuwa amaanka ah kuna shaqayn doona iyaguna Solarka hadana hawshaasu waa ay soo dhawdahay,wadooyinkii waxaanu rabnaa inaan dhisno oo balaadhino.aduunyada qalab la’aan waxba ma shaqeeyaan  dawlada hoosena bilaa qalab ayay ahayd ujeeda’dayada ugu weyn waa in aan qalab u samayno dawlada hoose si wax badan looga shaqeeyo oo aduunka qalabka ayaa ka shaqeeya dhismaha wadooyinka iyo waxii kaleba.Qashinka shirkado ayaa hore loo siiyay oo hogaamadii naga horeeyay ay u siiyeen markaasna inaan ku daba galno oo cidii fulin wayda aanu ka wareejino ayaanu doonaynaa.dawlada hoosana waxay degmooyinka ku qaadaa olalayaal dhanka nadaafada ah oo joogto ah oo ay arintaas qashinka wax kaga qabnayso shirka daana ku caawinyso.”

Ugu danbayntii maayar Cabdiraxmaan Soltelco oo aanu waydiinay inay soo gaadhay wareegtada uu soo saaray wasiirka cusub ee hawlaha guud ayaa sheegay in aanay soo gaadhin “Wareegtadaasu namay soo gaadhin,laakiin dhulka badhna waxa ka masuul ah dawlada dhaxe badhna dawlada hoose sida xeerarka ku xusan.”