Maayarka Hargeysa iyo Aqoonyahanka Degmada Axmed Dhagax oo ka wada hadlay horumarinta degmadaas

0
805

1 maayarHargeysa(Geeska)-Maayarka caasimada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo dhallinyarada aqoonyahanka ah ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, ayaa maantayeeshay kulan ay kaga wada tashadeen arrimaha horumarinta ee degmada Axmed Dhagax.

Kulankaas oo ka dhacay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ahaana kulan qado ah, ayaa waxa ay maayarka iyo dhallinyaradu iska xog waraysteen guud ahaan xaaladda horumarineed ee degmada Axmed Dhagax, baahiyaha ka jira, meelaha wax qabadka u baahan iyo sida wax looga qaban karo. Dhallinyaradu waxa ay halkaas ku soo bandhigeen qorsheyaal lagu horumarin karo arrimaha bulshada ee degmadaas sida waddooyinka, nadaafada iyo arrimo kale.2 maayar

Dhallinyaradu waxa kale oo ay maayarka uga mahadceliyeen sida uu u dhiirigelinayo dhallinyarada reer Hargeysa oo qaar badan oo ka mid ahi ay madax ka noqdeen waaxyaha sare ee dawladda hoose.

Maayarka Hargeysa oo isna kulankaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qorsheyaasha dhallinyaradu soo bandhigtay, waxaanu uga mahadceliyay sida ay isugu soo abaabuleen wax ka qabashada danta guud ee degmaaas, isagoo balan qaaday inuu wax ka qaban doono meelaha ay taabteen, waxaanu maayarku dhallinyarada ka codsaday in si wada jir ah looga hawlgalo arrimaha nabadgelyada iyo horumarka oo ah laba aan kala maarmin, isagoo tilmaamay in dadweynaha iyo dawladda hoose oo isku duubani ay wax qabad muuqda hirgelin karaan.

Maayarku wuxuu ka hadlay qorsheyaasha horumarineed ee ugu tallo galay guud ahaan caasimadda Hargeysa, gaar ahaan degmada Axmed Dhagax.

Kulankan ayaa ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee dhex mara dhallinyarada degmadaas iyo maayarka caasimadda Hargeysa.