Maayarka Gabiley Oo Ka Hadlay Xaalada Magaalada, Shacabkana Ugu Baaqay Ilaalinta Nabadgelyada

0
645

Picture4Gabiley (Geeska)-Maayarka Magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa ka waramay xaalada Gabiley, waxaanu sheegay inay hadda  ay degan tahay, waxaanu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ilaalashadaan Nabadooda, oo cidii wax yeelaysa ay iska qabtaan.

Maayarka Magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo  wareysi khaas ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika isaga oo ku sugan Magaalada Gabiley ayaa  sidoo kale waxa uu soo afjaradii dhibaatadii dhacday uga mahadnaqay Xukuumadda iyo Madax dhaqameedka, waxaanu tilmaamay inay sidii ugu haboonayd dhibaatada u xaliyeen, uguna hor tageen, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Wax walba oo Adduunyada ka dhaca waa Qadar, oo ILLAAHAY ayaa qoray, waxaana mar walba haboon sidii loo soo afjari lahaa loona dhammayn lahaa dhib walba oo dhacda, meel kasta ha ka dhacdee, Magaalada Gabileyna waxa ka dhacay Mudaharaad, laakiin hadda xaalada Magaaladu aad iyo aad ayey u wanaagsan tahay, wax dhib ahina kama jiro, wax walba sidoo loo baahnaa ayey noqdeen”

Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa aan aad ugu mahadnaqaya Xukuumadda iyo Madax dhaqameedka oo sidii looga baahnaa, dhibaatadan dhacday u soo afjaray,  waxaana haboon dhib walba oo inagu dhacdo in si wada jir ah looga wada hor tago, oo loo damiyo”.

Maayarka Gabiley isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay ku sugan yihiin,waxa aan kula talinaya inay xoojiyaan, oo ay ilaaliyaan, adkeeyaana Nabadooda iyo Amaankooda, maxa yeelay Nabadgelyada waa qaali, haddii aynu Nabadgeliyo weynana dhibaatooyin aad u badan ayaa dhacaya, caqabado adagna weynu la kulmaynaa, markaas in qof walba oo Somaliland u dhashay halkiisa ka ilaaliyo Nabadgeliyada ayaa looga baahan yahay”.

Maayarka Gabiley mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Diiwaangelinta muranka badan dhalisay, waxa uu ku jawaabay “Arinta Diiwaangelinta, waxa iska arkay Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran iyo Madaxweynaha, waxaana ku rajo weynahay inay si wanaagsan isku afgartaan, oo natiijo wanaagsan la wada gaadho.”