Maayarka Caasimadda Oo Si Rasmi Ah Xadhiga Uga Jaray Garoonka Xaawadle

0
700

Picture2Hargeysa (Geeska)-Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan Solteco), ayaa si rasmiya xadhiga uga jaray Garoonka Kubada Cagta ee Xawaadle Stadium, oo dib u dhis lagu sameeyey, si casriyana loo dhigay.

Munaasibadii xadhiga lagaga jaray oo Shalay ka dhacday Garoonka Xawaadle ayaa  waxa  ka soo qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin  Sheekh Aadan Xaji Maxamuud (Aadan Siiro), Wasiiradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco),Maayar ku xigeenka Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne), xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Cali Axmed Cali, Agaasimaha guud ee Ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed Dhabeeye, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, Guddoomiyaha Olomikada Qaranka Xasan Waraabe Cadde, qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Golaha Deeganka Caasimadda iyo Qurba joog iyo dadweyne aad u tiro badan.

Xildhibaan Ismaacil Jaamac Caga-yare, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in doorka ugu badan ka qaadatay Dawladda hoose Hargeysi dhismaha Garooonka Xawaadle waxaanu yidhi “Maalin maalmaha ka mid ah ayaan soo maray Garoonkan oo dhagaxaan laga gurayo, kadibna waxaan ku yidhi maxa dhacay, kadibna waxa aan u dhiibay boqol dollar, waxaana arinta Garoonka u sheegay Maayarka Caasimadda,markaas Dawladda hoose Hargeysa lacag badan ayaa kaga baxday”.

Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Shahar), oo isna ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka, oo isna halkaas ka hadlay ayaa aad u soo dhaweeyey dhismahan Garoonka Xawaadle, waxaanu yidhi “Degmada 26-june, iyo  Degmada Koodbuur, waa Labada Degmo ee Caasimadda ugu balaadhan uguna dakhliga badan, Garoonkana oo qudhina kuma filna, ee Garoomo kale ayaa looga baahan yahay, markaas in dadaal dheer la sameeyo, oo xitta shanta boqol ee shilin dhalinyaradu isku ururiso oo waxa la wada qabsado weeye, anaguna ka dawlad hoose ahaan waanu idin garab taagan ahay”.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “Haddii aan ahay Xidhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada, waxa aan idiin balanqaadaya in aan Xildhibaanada ka soo jeeda Degmadan eek u jira Golaha Wakiilada in aan u tago kana soo qaado lacag Garoonka wax lagaga qabto, waxaana balanqaaday in Koobkan Koobka xiga in aan anigu qabto”.

Guddoomiyaha Olombikada Qaranka Xasan Waraabe Cadde oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi ‘Garoonkani uu wanaagsan yahay, balse cabirkiisa ayey wax badani ka khaldan yahay, in dib loogu noqdo oo loo saxo ayaa haboon, in Roog la dhigana waa muhiim, oo Roogu wax sidaas u sii buuran qiimihiisu maaha, waxaana hadda ku tala jirnaa in Garoonka Hargeysa Stadium oo ah Garoonkii Qaranka la dhigo Roogii, taas oo aan Lacagtiisa badh hayno”.

Agaasimaha guud ee Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in Caasimadda Garoon u soo kordho, dib u habayna  lagu sameeyo Garoomada kale duwan ee dalka, iyaguna qeybtooda ka qaadan doonaan, waxaanu yidhi “Anagu haddii aanu nahay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada hawl aad u baaxad weyn ayaanu haynaa, aadna waanu ugu faraxsan ahay in Garoonkan la dib u habayn iyo dib u dhis lagu sameeyo, Guddidii dhisaysana mar ayaanu is aragnay,  dibna noogumay soo noqon, mar walbana waxa aanu jecel ahay in aanu qeybtayda ka qaadano oo aanu ku dadaalno horumarka Ciyaaraha iyo sameeynta Garoomada”.

Sheekh Aadan Xaji Maxamuud (Aadan Siiro), oo ka mid ah Culimada ugu waaweyn Somaliland, oo isna Munaasibada ka hadlay ayaa dardaaran iyo  dhiirigelin u soo jeediyey Dhalinyarada, waxaanu sheegay inuu mar walba garab taagan yahay, dhalinyarada isla markaana uu wax alaale wixii uu ku tari karo aanu waxba kala hadhayn, ee uu ku tarayo, waxaanu amaan balaadhan u soo jeediyey Wasiiradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, isaga oo ku amaanay sida ay gacan uga geysto horumarka Dhalinyarad.

Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali, ayaa isna halkaas ka hadlay ayaa balan qaaday inay madaxtooyadu qaban doonto tartanka u horeeya ee garoonkaas lagu qaban doono, waxaanu ammaan u soo jeediyay dhallinyarada xilka iska saartay dib u dhiska garoonka.

Nicmaan Cabdi Cali, oo ka mid ah dhallinyarada Xaafadda ayaa isna halkaas ka hadlay waxaanu u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka gaysatay dhismaha garoonkaas.

Ugu dambeyntii waxa Munaasibada  ka hadlay Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan Solteco), waxaanu ka waramay dhismaha Garoonka iyo doorkii ay ku lahayn, waxaanu yidhi “Guud ahaan dhismaha Garoonkan waxa kharash ahaan ku baxay lacag dhan ilaa iyo  38-kun oo dollar, anaga ka dawlad hoose ahaan nagaga baxay lacag dhan 30-kun oo dollar, lacagtaas kalena waxa bixiyey Qurba jooga iyo Dhalinyarada Degmada, waxaana anaga noo qorsheeysan in aanu Degmooyinka oo dhan aanu ka dhisan Garoomo, Garoonkana waxa aanu ku xigsiinaynaa Garoonka Gacan Libaax, iyada oo imika ay dadka qaar nagu haystaan oo ay Filal u sitaan, cidna kama yeelayno in Garoomada kale duwan ee ciyaaraha aanu siino”.