Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Ka Hadlay Jawaabta Uu Guddiga Dorashoyinka Ka Siinayo Sharciyadda Uurcade Ku Fadhiyo

0
554

 

Hargeysa(Geeska)-Maayarka caasimadda Hargeysa Md.hussein_mohamoud_jiciir_hargeisa_mayor (1) Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa ka jawaabay warqad ay guddiga doorashooyinka qaranku u soo qoreen oo la xidhiidha dalab uu xisbiga UCID u gudbiyay oo ka dhan ah maayar ku xigeenka Maxamed Cabdillaahi Uurcade.

 

Xisbiga UCID ayaa guddiga doorashooyinka u gudbiyay dalab ay ku codsanayeen in Maxamed Cabdillaahi Uurcade loogu bedelo xubintii xisbiga ugu soo xigtay golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, maadaama oo uu Uurcade sheegay inuu ka baxay xisbiga islamarkaana ku biiray urur siyaasadeedka wadani. Sidaas daraadeed guddiga doorashooyinka ayaa dhawaan maayar Jiciir ka dalbaday inuu ka jawaabo dalabka xisbiga UCID islamarkaana uu caddeeyo sharciyadda uu ku xigeenkiisu ku joogo golaha deegaanka. Maayar Jiciir oo uu Wargeyska Geeska Afrikaxalay wax ka weydiiyay jawaabta uu ka bixinayo qoraalkaas guddiga doorashooyinka, ayaa yidhi  “Anagu ilayn ha’yad sharci ma nihine sababta ay noogu soo direen baaba khalada,  waayo iyaga ayaa la rabaa inay sharciga waafajiyaan wixii sharcigu ogal yahay.”

Maayarku wuxuu sheegay inuu maanta komishanka u gudbinayo qoraal jawaab celin ah “Anigu warqada waan arkay waanan la yaabay, laakiin waxaan ugu jawaabay baritoole [Maanta] ayay u tagaysaa insha allaahuye, in sharcigu waxa uu waafaqsan yahay ay mariyaan.”

Wuxuu ku dooday in arrinta ay guddiga doorashooyinku soo weydiiyeen tahay muran sharci oo aanu Maayar shaqo ku lahayn, “Arintu waa muran sharci markaa muran sharci ma maayarbaa shaqo ka qaban kara, hay’adaha sharciga qaabilsan ayaa ku shaqo leh.”

Ugu dambayn wuxuu yidhi “Waa inay iyagu sharciga mariyaan oo looyaro  ayay leeyihiine ay iyagu waxa ay ka qabaan waydiiyaan oo markaa ama maxakamada ay u gudbiyaan. Markaas annaga waaba khalad inay waxaas na soo waydiiyaan.”