Maayar Soltelko Oo U Tanaasulay Cabdikariin Axmed Mooge

0
707

Hargeysa (Geeska) – Maayarkii Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu Maayarnimada Hargeysa uga tanaasulay Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge oo ahaa Musharraxii ugu codka badnaa xubnihii u tartamay Golaha deegaanka Hargeysa.

Cabdiraxmaan Soltelko oo 8-dii sanadood ee u dambeeyay ahaa Maayarka Hargeysa, isla-markaana ku soo baxay doorashadii dalka ka dhacday 31-ka bishii hore ee May ee sannadkan 2021, ayaa Shir-jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Hargeysa, ku shaaciyey inuu hankiisii ahaa inuu mar labaad u tartamo Maayarnimada Hargeysa uga tanaasulay Cabdikariin Axmed Mooge, ka dib markii sida uu sheegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyey inuu Go’aankan qaato.

Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, waxa kale oo uu sheegay inaan wax colaad ahi ka dhaxaynin Cabdikariin Axmed Mooge isla-markaana ay muddo-dheer ahaayeen Saaxiib, sidaasi darteed uu gartay inuu u tanaasulo, isaguna aanu ka tagayn Golaha deegaanka Caasimadda, balse uu noqon doono Odayga Golaha deegaanka, lana shaqaynayo Cabdikariin Axmed Mooge, haddii loo doorto Maayarka Caasimadda.

 

Geeska.net/Hargeisa Office