Maareeyaha Madbadcadda Qaranka Oo Soo Bandhigay Duruufo Mushahar La’aan Saddex Bilood Ah Oo Haysta Shaqaalihiisa

43
2844

Hargeysa(Geeska)-Madbacada qaranka ayaanu shaqaalaheedu mushahar qaaran saddexdii bilood ee ugu danbeeyay, taas oo ay u sibir saareen miisaaniyada xanibantay iyo in in badan oo shaqooyinkii ay qaban jireen ah loo gacan galiyay shirkado gaar loo leeyahay oo ka daabacda dalka dibadiisa.

Maareeyaha madbacada qaranka Siciid Saalax Shire ayaa sheegay inay soo foodsaareen dhibaatooyin dhaqaale oo ka soo waajahay miisaaniyada qaranka oo raagtay iyo in xukuumadii madaxweyne Siilaanyo oo gacantooda ka saartay haayado badan oo dawladeed oo ay u daabici jireen waxyaabaha ay u baahan yihiin oo haatan dad gaar ah lagu wareejiyay.

Maareeye Siciid oo la hadlaayay Badri Koosaar oo ka tirsan Eryal Tv waxa uu yidhi “Waxaynu ognahay in intii ay xukuumada cusubi timi in miisaaniyadii qaranku ay wali laalantahay, oo duruufahaas ayaa keenay inay is gaadhaan bilahaasi, imikana waxaanu ku rajo weynahay inay inoo suurto gasho oo sida aad ka warqabtaan madbacada qaranku kama mid aha haayadaha ku jira miisaaniyada qaranka, waxay isku dabartaa waxay iyadu la soo baxdo, waxaanu adeeg u samaynaa wasaaradaha dawlada  iyo haayadaha madaxa banaan, iyagana waxa dayn nagaga maqnaa waxii aanu u daabacnay ee agab ahaa oo dhan, haayada iyo wasaarada aanu u tagnaba waxa ka xanibnaa kharashkoodii, taas ayaana keentay inay is dul fuusho kharashkii aanu ku lahayn, waxaanay daliil ka dhigteen miisaaniyadii qarankaa naga laalan, taas ayaa keentay inay wax isa soo gaadhaan.”

Maareeyaha madbacada qaranka oo ka hadlaaya duruufahooda shaqaalaha waxa uu yidhi”way jirtaa duruuftaas adag ee haysata dalka iyo dadkaba oo ay ka mid yihiin shaqaaluhu; halkani waa haayad dawli ah meel kale oo la odhanaayo haloo baadhbaadhana ma jirto,inay wacyiga la qabsadaan magaaladoodii ayay joogaane imikana kow maaha, xiliyada sidan oo kale ay wax u dhacaan, dhabar adayg iyo in lagu samro ayaa loo baahan yahay, insha allaahu imikan inay noo suurto gasho ayaanu rajaynaynaa.”

Siciid Saalax Shire maareeyaha madbacada qaranku waxa uu xooga saaray in xukuumadii hore ay ka hoos saartay wax badan oo ay daabici jireen “Waxa nala soo darsay oo ay kamid tahay inay gaadho saddexdaas bilood mushahar la’aanta dhacday, waxyaalaha kalifay waxa ka mid ah haayadii aanu wax u daabici jirnay oo qaarna ka baxeen gacantii dawlada, qaarna shirkado gaar ah lagu wareejiyay oo uu maamulkii hore sameeyay, dawlada maanta ee madaxweyne Muuse Biixi waxay tidhi waxaan dib ugu soo celinayaa gacanta dawlada dhamaan dhukmantigii dawlada ee galay gacmo gaar loo leeyahay, sida liisamada,wado marista, buugii mulkiyad baabuurta,manhajkii qaranka oo shirkad gaar loo leeyahay oo aan xataa ahayn madbacadaha qaranka ka dhisan( Somaliland)  ee ay cid kale daabacdo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here