Maareeyaha Dekadda Berbera Oo Beeniyey In La Wareejinayo Dekadda Berbera

0
558

Picture1Hargeysa (Geeska)-Mareeyaha Dekada Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xor-xor), iyo ku xigeenkiisa Cumar Abokar Jaamac  ayaa beeniyey isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in Dekada Berbera la wareejinayo, waxayna tilmaameen in maamulka Dekada Berbera uu gacantooda ku jiro. Mareeyaha Dekada Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xor-xor),  oo isagu ugu horeyn shirkaas jaraa'iid ka hadlay ayaa ka war bixiyey hawlaha dekadda, waxaanu ka warbixiyey wefti carbeed oo dalka ku sugan, kuwaas oo la sheegay in lagu wareejinayo Dekadda, waxaanu xusay inay hawl kale ay u socdaan, waxa kale oo uu tilmaamay xusay inay soo bandhigi doonaan hawlaha shaqo ee Dekadda, waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Dekedda anigaa ka masuul ah, cumarna  waa maareeye ku xigeenka]waa ku xigeenkaygii, run ahaanna wax qandaraas iyo barnaamijkaas la sheegayo  ee wareejinta dekedda ah oo meesha yaallaana ma jiraan. Madaxweynuhuna hawl dalku leeyahay uun buu u yimi oo kormeer qaran buu u yimi oo uu Berbera u joogaa, annaguna socdaalkiisa waanu ka faa’iideysanaynaa oo mashaariicda sanadka soo socda aanu bilaabayno iyo kuwii dhammaadayba in uu nala arkaabaanu doonaynaa  iyo xaaladda ay shaqada qaranku ku sugan  tahay. waxaa kale oo aanu doonaynaa barnaamijyo qaran oo aanu rabno in naloo ogolaado in aanu madaxweyneha tusno, runtiina in badan oo hore ayaan madaxweynaha ku idhi md. Madaxweyne noogu kaalay meesha Dekedda, markaa barnaamijkani hadallada  mala’awaalka ah ee wareejinta dekedda mid jira maaha.”

Maareeyaha Dekadda Berbera Eng Cali Xoor-xoor, ayaa mar uu ka hadlaayey  weftiga carbeed ee dalka ku sugan ayaa yidhi "Qolada carbeed ee joogta ee imaaraadka ka timi horta waa masuuliyiin dawladeed ee shirkad maaha ganacsi, annagana ka deked ahaan hawl badan iyo wada shaqayn dheer baa naga dhaxaysa, waxaanay doonayaan in ay wadanka soo degaan, degmada Sheekh bey tageen, waxay tageen buurta Gacan libaax, berbera way yimaadeen oo way sahamiyeen, run ahaanna wadankaas ay weftigu metalayaan ee Imaaraadkuna waxtar mooyee waxyeello somaliland ka fili mayso, in ay dawladdeena wixii ay ka caawin karaanna ay ka caawiyaan iyada lafteedu meesha way ku jirtaa . run ahaana waxaa nasiib darro ah in dadka qaarkood ay waqtiyadan dambe ay markay arkaan qof carab ah ama cadaan ah si khaldan u fikiraan oo ay yidhaahdaan wax kale ayaa la wadaa, taasna waxaan leeyahay runtii waa caqli xumo, waa horumar diid, masuuliyadda dalkuna ciduun bay saaran tahay, barnaamijka wadanka lagu horumarinayana qof hadlay loo joojin maayo oo loo deyn maayo” 

Dhinaca kale waxa isna Shirkaas jaraa'id ka hadlay Maareeyaha ku xigeenka Dekadda Berbera Cumar Abokar Jamaac waxaanu yidhi  "Anaga oo ah maarayntii sare ee maamulka dekedda Berbera, waxaanu halkan doonaynaa in aanu kaga hadalno barnaamij warbaahinta aad loo geliyey, masuuliyiinina ay ka hadashay oo ku saabsan safarka madaxweynaha iyo wufuud carab ah  oo Berbera jooga oo ay leeyihiin dekedda ayaa lagu wareejinayaa , arrintaasi ayaanu rabnaa inaanu si cad u beenino, oo aanu dadka tusno in aanay sal iyo raad toona lahayn ee madaxweynuhuna shaqooyinkiisii caadiga ahaa ee qaranka uu gudanayo safarkiisuna kuwaas uun la xidhiidh”