Maamulka ROYAL TV Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay

0
555

Royal_Somali_tv_ukHargeysa (Geeska) Mamuulka Tvga Caalamiga ah ee Royal TV Ayaa baro bagaando iyo been abuur ku tilmaamay Warar lagaga baahiyay qaar kamid ah mareegaha Internetka.

Warsaxafadeed kooban oo uu soo saaray agaasimaha Somaliland Telefishankaasi Yaxye Sheikh Ismaciil ayuu beeniyay War sheegayay In Wasiiro ka tirsan xukumada Madaxweyne SIILAANYO %60 Iibsadeen ROYAL TV.

Waxana uu masuulkani warbaahinta Uga digeen inay ka fogaadan wararka boro bagaandada ah iyo in saxaafadu dhexdeeda is weerarto isagoona xusay in Tvga ROYAL Yahay mid ka madax banaan in uu gacan saar la yeesho dhinacyada siyaasada Somaliland ee Mucaarid iyo muxaafidba. ''Maamulka ROYAL TV Waxa uu si adag u dadafeynayaa wararka been abuurka iyo daacayadaha riqiiska ah ee lagu baahiyay qaar kamid ah mareegaha Internetka kuwaaso lagu sheegay in wasiiro ka tirsan xukumadda Madaxweyne SIILAANYO %60 iibsatay ama la wareegtay maamulka Tvga madaxa banaan ee ROYAL, Waxanu leenahay wararkaasi waa borobagaando iyo waxba kama jiraan sawir khaldan lagaga bixinayo madax banaanida tvga oo dhex dhexaad u ah sadexda xisbi qaran ee Somaliland Mucaarid iyo muxaafidba, warbaahintana waxan uga digayaa inay baahiyan warar ka baxsan shuruucda iyo akhlaaqda saxaafada cadaymona anay u hayn iyo in Warbaahintu is weerarto''