Maamulaha Kastamka Berbera Oo Ka Hadlay Hab-xisaabed Casri Ah Oo Uu Hirgeliyay

0
579

Picture3Berbera(Geeska):- Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan ayaa markii ugu horeysay sharaxaad ka bixiyay hab-xisaab cashuureedka casriga ah ee Kastamka Berbera dhawaan lagu soo kordhiyay, isla markaana waxa uu ku tilmaamay inay wasaaradda Maaliyaddu  Horumar wanaagsan ka gaadhey dhinacyadda Maamulka Shaqada, Shaqaalaha iyo Dakhliga-ba, ayaa haddana  Kastamka Berbera oo ah Laf-dhabarta dakhliga dalku  sameeyey, is-badel togan oo dhinacyadda tayeynta shaqadda, shaqaalaha iyo kordhinta dakhligaba.

Maamulaha kastamka berbera Maxamed Cabdi Gurxan oo ka waramayey Hab-Xisaab Cashuureedka Data-base ka ee ay dhawaan ku soo kordhiyeen Kastamka Berbera waxaa uu ku bilaabay sidan:

Hirgalinta Hannaanka Hab-xisaab Cashuureedka Database-ka:

Wasaaradda Maaliyaddu iyada oo ka duuleysa Dib u habeynta Hannanka Maaliyadeed ee ay  waddo ( PFM Reform) iyo Dib u dhaca shaqo iyo khaladaadka Dakhli ee uu yeelan karayey Hab cashuureedkii Gacanta( Old Traditional Manual System) ee Qarni badhkii lagu soo xisaabinayey qiimaha cashuurta kastamka, waxay si cilmiyeyesan  u qorsheysay sidii looga gudbi lahaa nidaamkaas, loona  casriyeyn lahaa Nidaamka xisaabinta cashuurta.

Haddaba, waxay Maaliyaddu si Aqoon iyo waayo aragnimo ku dheehan tahay u abuurtey system la jaanqaadaya Nidaamyadda Cashuuraha caalamka Hab-cashuureedkooda la casriyeeyey.

 

Muuqaalkan hoose waa  mid ka mid ah muuqaalada Entryyadda hore ee aanu casriyeyney, sida aad arkeysaan, wuxuu koobsanayey:

In si dhib yar loogu khaldami karo xisaabinta cashuurta waajibtey, taasi waa sababta Xafiisyo badani iskaga daba hubiyaan;

In  dib

u dhaca shaqo ku iman karto cashuur bixiyaha, inta la xisaabinayo lagana baaraan dagayo saxnimadda cashuurta la xisaabiyey;

In  nuqulka hadhaaga ah ee raadraacu tirtirmo, macluumaadkiisana la fahmi waayo;

In wakhti bilo ah

ay qaadato helitaan Tiro-koobka Badeecaddii soo degtey amaba la cashuurey;

In isla Tirokoobkaas raagey ahaado oo kaliya ugu dhawaansho macluumaad, balse aanu marnaba macluumaadkii dhabta ahaa noqonin; iyo

In Entry-ga khaldama,

dib shaqadda bilowgeedii lagu noqdo, si loo soo saxo;

  Dhinaca kale, hoos waxa kaaga muuqda muuqaalka Entryga la casriyeeyey ee la

adeegsanayo  Computerka.

Nidaamkan Automation-ka ah, wuxuu  soo kordhinayaa qodobadan oo  horumar Dakhli iyo mid shaqo ba leh:

In dakhliga kastamku kordho;

In Khaladaadka xisaab falada ee xisaabinta Entry-ga , meesha laga saaro;

In la soo yareeyo wakhtiga iyo xafiisyadda xisaabinta entry-yada;

In la helo warbixino kala duwan oo sax iyo degdegsiimo leh;

In Tiro koobka badeecadda oo wajiyo badan, si dhib yar loo helo;

 Sidoo kale, kuwanina waa muunaddo War bixinada Maalinlaha, todobaadlaha ama bileedka ah ee systemkan cusub si  sax ah looga heli karo.

Dhinaca kale isaga oo guud mar ku sameynaya dhinacyadda horumarka ka sameeyeen shaqo maalmeedkii kastamka Berbera,  waxa uu ku bilaabey: 

Tayeynta Shaqaalaha:

Anaga oo ogsoon Qiimeynta Shaqaaluhu in ay tahay  aasaaska  shaqo wanaaga iyo dakhli kordhinta Kastamka, waxanu dib u eegis ku sameyney Hanaanka Qaabdhismeedka Shaqo qeybsiga Shaqdda, oo aanu ka dhigney mid ka turjumaya shaqo fudeydin iyo dakhli kordhinba. Shaqaale walba waxa uu si fudud loogu tababarey in uu raaco Hagaha Hanaanka Shaqo Fulinta ee loo qoondeeyey.

Qiimeynta Shaqada:  Qeexitaanka Hab raaca shaqo cashuureedku waa mid aanu si fudud ugu soo bandhigney Cashuur bxiyaha, shaqaalaha iyo Xafiisyadda kaleee ay wada shaqeyntu naga dhaxeyso, Hab raacaasi waa mid fulintiisa loogu talo galey ilaalinta cashuurta waajibtey iyo hufnaanta addeega cashuur bixiyaha.Dhamaadka bil walba waxa la sameeyaa qiimeyn shaqo oo aasaas looga dhigayo Cabir shaqeedka xafiis walba loogu talo galey.

Xoojinta Xidhiidhka Cashuur bixiyaha iyo Xafiis yadda Kale: Ilaalinta cashuur bixiyuhu waxay noo tahay rugniga noogu muhiimsan Mabaadii’da aanu kushaqeyno. Cashuur bixiyaha waxa si muuqata loo tusey Hannaanka shaqo wanaag ee uu raacayo, habka iyo sida ugu fudud ee cabashadiisa iyo khaladdaadkiisashaqo loo saxayo iyo guud ahaanba waajibaadka saaran iyo xuquuqda uu leeyahayba. Fudeydinta shaqadu waxay sahashey in Cashuur bixiyaha ama Wakiilkiisashaqo, ay iska nastaan soona dirsadaan Gacan yare si sahlan ugu soo dhameyn kara shaqo maalmeedkooda. Iyo in shaqaalaha ay shaqadu kaga xidhantantahaysi weyn loogu kalsoonaado helitaankooda xili walba iyo xafiis walba!

Sidoo kale waxanu  xoojiney wada shaqeynta xafiisyadda aanu shaqo wadaaga leenahay sida: Wakaaladda Dekadda Berbera, Wasaaradda Ganacsiga, Gaadiidka, Xanaanada Xoolaha, Duulista iyo Hawada, Kaluumaysiga, Laanta socdaalka Berbera, Wakiilada Maraakiibta iyo Doonyaha iwm.”

Ugu dambayn wuxuu Mr. Gurxan, hadalkiisa ku soo gunaanaday “ Ugu danbeyn waxanu  hambalyeyneynaa Wasiirka Wasaaradda ee talaabooyin wax ku ool ah, oo  ugub ah ka sameeyey dhinacyadda: Diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka, iyo Maamulkeedaba.taas oo raadkeeda wanaagsani uu ka dhex muuqdo dhammaan Horumarka iyo Maamulka Dawladnimo ee Dalka ka socda.”