“Maamul Xumada Muuse Waxay Keentay In Dadkii Ku Fikiraan Jabhado”

0
667

Boorama (Geeska)- Prof Qaasim Ibraahin Tubeec guddoomiye xigeenka 1-aad ee xisbiga UCID ayaa daboolka ka qaaday in degmada Dila ee gobolka Awdal ay jabhadi ka jirto sida oo kalena ay soo noqonayso jabhaddii Suldaan Wabar.

Waxa uu sheegay in jabhadaha meelo kala duwan oo dalka ah ka abuurmay ay sababtay wax uu ku tilmaamay hoggaan xumada madaxweyne Muuse Biixi waxaanu ka digay ciidamo uu sheegay in la geeyay meelo ka mid ah gobolka Awdal, waxaanu Prof. Qaasim oo u waramay HCTV,  yidhi “Waa Nasiib-darro anuu marnaba uma malaynaynin in Somalilaland gaar ahaan awdal jabhado ka soo hor jeeda Somaliland inay abuurmayaan.Horta, maamul xumada Muuse waxay keentay in dadkii ku fikiraan Jabhado. Dila Jabhadi way ka jirta, tii Wabar-na way soo noolaanaysaa oo hadda way soo socotaa, waxaas oo dhammi waa maamul xumada Muuse. Reer Awdal waxaa shaqo kuma lahayn ee maamul xumada Muuse ayaa ku keentay. Dhallinyartii intaanay bixin gobolkan intaas oo goor ayay kala xaajoodeen dhibaatadooda way sheegeen waxa la yidhi hargeysa ayaanu ka soo jawaabi, mar labaad bay noqdeen mar saddexdaad bay noqdeen. Markaa imika waxaabay ka aamin baxeen oo aanay aaminaynin odayaashoodii hor joogay iyo salaadiintoodii oo ay beentaasi sii fogaysay ”

Waxa uu madaxweyne muuse isaga oo la hadlaya uu yidhi, “Muuse biixi madaxweyne ma foga hawshani adaana wax ka qaban kara, adaa diiday inaad dadka la hadasho. Dee dadkuna waa bini’aadam oo haday cadhoodaan markaa yaan la odhan maxaa loo cadhooday “

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here