Maalinta Akhriska Iyo Qorista Oo Somaliland Laga Xusay Iyo Fariinta Wasaarada Waxbarashada

0
665

Picture2Hargeysa (Geeska) – Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa Axaddii laga xusay Maalinta Akhrista iyo qorista Adduunka oo sanad walba adduunka laga xuso 8-da bisha September

Xuska akhriska iyo qorista oo ay qaban-qaabisay Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa waxa ka qayb-qaatay ardayda dugsiyada Caasimadda qaarkood iyo weliba dadwayne kale oo tiro badan, kuwaasi oo muujiyey muhiimada maalintani adduunka ugu fadhido, maadaama oo tartanka maanta qoomiyadaha adduunka ka dhexeeya yahay heerka aqoonta laga gaadho.

Xuskan oo lagu wayneeyay socod dheer oo ardaydu ka soo bilaabeen xarunta Wasaaradda waxbarashada isla-markaana ku gaadheen xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee Hargeysa oo lagu qabtay Munaasibad lagu faahfaahiyey Muhiimadda maalintan, ayaa sidoo kale waxa ka qayb-qaatay ciidamada Muusikada ee loo yaqaano Baamboyda.

Xafladda lagu xusayey Maalinta akhriska iyo qoraalka Adduunka oo ay wasaaradda waxbarashadu ugu talo-gashay inay uga faa’ideysato wacyigalinta shacabka si waalidiinta aanay ubadkoodu iskuulada tagin ay u geeyaan isla-markaana u suurtogasho in saddexda sanadood ee soo socda dugsiyada la geeyo carruur  ka badan 300.000 oo ku kala nool dhulka miyiga ah iyo Magaalooyinka dalka, ayaa waxa ugu horeyn ka hadashay Safiya Jibrill Cabdi oo ka socotay hay’adda UNICEF, sidoo kalena ku hadlaysay Magaca masuuliyiinta ka socday hay’adaha wasaaradda waxbarashada la shaqeeya, waxayna faahfaahisay muhiimada maalintan iyo wacyigalinta loogu talo-galay in la gaadhsiiyo waalidka aanay ilaa hadda u suurtogalin inay carruurtooda dugsiyada geeyaan “Maanta (shalay) oo ah maalintii akhriska iyo qorista ee adduunka oo ah maalin caalamiya oo dadka lagaga saarao aqoon darada, waxa inoo weheliya in waxbarashada Somaliland oo heerkii la doonayey aan gaadhin, gaar ahaan dugsiyada hoose/dhexe  inaynu u istaagno sidii aynu gacmaha isku qabsan lahayn ee aynu wax uga wada qaban lahayn ee aynu heerka loo baahan yahay u gaadhsiin lahayn”ayay tidhi Safiya, waxayna intaa ku dartay “Ujeedada aynu leenahay waa in ilma kasta oo gaadhay waxbarashadu uu waxbarasho helo oo iskuulka uu u baahan yahay la siiyo, taana waxa loo baahan yahay in gacmaha la isku qabsado”

Safiya Jibriil Cabdi, waxa kale oo ay sheegtay “Carruurta dugsiyada hoose/dhexe ku jirta ee sida rasmiga ah u qoran ee la yaqaanaa waa 44%, waxaad arkaysaa in carruurteenu 56% ay ka maqan yihiin iskuulada, markaa waxa loo baahan yahay Wasaaradda waxbarashada iyo hay’adaha waxa loo baahan yahay in gacmaha la isku qabsado sidii carruurta meelaha fog fog jooga ama danyarta ah ama sida kale u awoodi waayay in iskuulada la geeyo oo lagu soo celiyo” ayay tidhi waxayna intaa ku dartay “Wax badan waa la qabtay oo ardayda badan iskuulada way dhigtaan, laakiin waxa loo baahan in gacmaha la isku qabsado sidii heerkii loo baahnaa aynu u gaadhsiin lahayn, si aynu caalamka ula jaanqaadno”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada Maxamed Xasan Ibraahim oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u sharaxay ololaha wasaaraddu ku doonayso inay carruurta aan dugsiyada galin ku soo xerayso “Barnaamijkani waa barnaamij weyn oo soconaya saddex sanadood, waxaana la yidhaahdaa AADA DUGSIYADA (Go to Schools), waxaana lagu jiraa dhaqaale ururintiisii, waxaanu doonaynaa 3.30,000 oo arday oo aan hore iskuulada u galin, waxaana diirada la saarayaa kuwa ku nool dhulka miyiga ah, xeebaha iyo reer guuraaga” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Hal-ku-dhiguna waa inay waalidiintu carruurta dugsiyadda u diraan”

Ugu dambayn, wasiiru-dawlaha Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Axmed Nuur Faahiye, oo Xafladda ka dib shir jaraa’id saxaafadda u qabtay ayaa fariin u diray waalidiinta carruurta aan weli dugsiyada la geyn, waxaanu ugu baaqay inay carruurtooda dugsiga geeyaan, taasi oo qayb ka ah dedaalka Wasaaradda waxbarashadu ku doonayso in saddexda sanadood ee soo socda dugsiyadda ay galaan carruur ka badan 3,30,000 kun.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda waxbarashada oo arimahaa ka hadlayaa waxa uu  yidhi  “Dalkii Dadkiisu waxbarasho helo ayaa leh nabadgalyo iyo deganaan waarta, horena u mariya dhaqaalahooda”

Wasiiru-dawlahuhu waxa kale oo uu sheegay isaga oo si toos ah ula hadlaya waalidiinta “Waxaan odhan lahaa waalidiinta aan weli ubadkooda iskuulada geynin, ilmuhu si uu dadka, dalka iyo idinkaba idiin anfaco geeya iskuulada idiinku dhow”ayuu yidhi, isagoo sidoo kalena tibaaxay baahida dhaqaale ee loo qabo hirgalinta mashruucan waxbarasho “Ololaha dugsi qorista dalka waxaa loo baahan yahay taageero dhaqaale iyo maalgelin si loo gaadho hadafka Millenium Development Goals, oo ah in la helo waxbarasho wanaagsan oo lagu hagaajinayo tayada macalimiinta, lana dhiso awoodii farsamo ee lagu maauli lahaa waxbarashada dalka ee heer gobol iyo heer degmo”

Wasiiru-dawluhu waxa kale oo uu sheegay “Dalkeenu waa mid degan oo nabad ah muddo badan, taasi oo keentay in aynu si aayar aayar ah uga soo kabano dhibaatadii ina soo gaadhay oo weli inaga muuqata. Waxaaa la inaga dilay macalimiin badan, waxaana la burburiyay dugsi badan. Inkasta oo dhaqaalaha dalka badankiisu ku baxo ilaalinta shacabkeena nabadgeliyadiisa, haddana waxay dawlada Somaliland xoogga saartay sidii loo heli lahaa waxbarasho wada gaadha dhamaanba dacalada dalka. Taasina waxay keentay in wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare noqoto wasaaradda ugu balaadhan uguna shaqaalaha badan wasaaraddaha dawlada”ayuu yidhi, isagoo intaasi raaciyey “Dadkeena waxaa lagu qiyaasaa in ay in ka badan kala badh yihiin reer guuraa aan fursad waxbarasho helin. Inta hadda dugsiyada tagtaa waa in ka yar 50%.Weli aqoonsigii inoo saamixi lahaa in aynu heshiisyo caalami ah la gallon dunida oo aynu dhaqaale dib-u-dhis ah oggolaansho ugu helno ma jiro. Inta badan innaga ayaa is kabna, inta yare e la inagu caawiyaana waxay soo maraan hay’ado kale oo kala duwan oo qaarkood aan ku shaqayn wejiga aynu doonayno, Waxa ay wasaaraddu bilawday in ay samayso yool cad oo la tiigsado iyo nakhshadii lagu gaadhi lahaa waxbarasho tayo leh oo muwaadin kasta u saamaxda inuu ka faa’iidaysto. Waxa ay ay hadda ku khasban yihiin dhammaan hay’adaha aan dawliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahiba in ay raacaan khadkaa ay dawladdu u jeexday ee danta dalku ku jirto.Hab maamulka wasaaradda waxa ka jira isbedel weyn oo mddo hadda soo socday, taasi oo keentay in dunidu ay kalsooni noo muujiso. Waxaana yool wasaaradad Waxbarashada Somaliland a noqotay mid keenta in la arlko inaynu u soo jeedno casriyaynta iyo tayaynta tacliinta Qaranka.Inkasta oo dawladdu ay ku bixiso miisaaniyadda waxbarashada in ku dhow 10% dakhliga dalka, haddana kuma filna marka loo eego baaxadda iyo culayska saaran wasaaradda Waxbarashada. Waxa hadda dugsiyadda ku jira boqolaal kun oo carruur ah, iyada oo lagu qiyaasay 300 kun oo carruur eer guuraa u badani ay weli u baahan yihiin in loo sameeyo adeegyo lagu gaadhsiiyo tacliin kor u qaada noloshooda, sidaa daraadeed munaasibadda xuska maalinta wax akhriska iyo qorista ee adduunka daraadeed, waxa ay Somaliland ugu baaqaysaa in caalamku kaalin ka qaataan maalgelinta waxbarashada ubadka Somaliland oo ah mustaqbalka dalka, isla markaana taageero dhinac kasta ah ku caawiyaan barnaamijka dugsi qorista ubadka aan waxbarashada hadda ku jirin ee gaadhay da’da dugsiyadda lagu tagi lahaa.Dalkii dadkiisu waxbarto ayaa leh deganaansho waara, nabadgeliyo waarta, horena u mariya dhaqaalahooda”

Ololaha waxbarashada ee wasaaradda waxbarashadu doonayso inay dugsiyada ku geyso carruurta aan weli dugsiyada loo dirin oo hal-ku-dhigiisu yahay “AADA DUGSIYADA), ayaa waxa uu soconayaa saddexda sanadood ee soo socda, waxaana qayb ka ah hay’adaha kala ah UNICEF, SCI, NRC, CARITAS iyo ADRA.