Ma Run Baa In Wasaaradda Warfaafintu Mushaharka Ka Joojisay Farsamo-Yaqaan Matalay Socodka Madaxweynaha?

0
1293

Hargeysa(Geeska)- Wasaarada warfaafinta ee Somaliland ayaa la sheegay inay mushaharkii ka joojisay Cismaan Cabdilaahi Cilmi ( Heersare) oo wasaaradaas ugu shaqaynaayay farsamayaqaan baahinta tilifishanka ah, kadib markii uu safarkii uu madaxweynuu ugu baxay gobalada bariga ee dalka uu jilay qaab socodka madaxweynaha.

Jilitaanka socodka madaxweynaha oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, ayaa la sheegay inuu sababay in Cismaan gudida anshaxmarinta ee wasaarada warfaafintu ay u yeedho isla markaasna ay wax ka waydiiso sababta uu ugu jeeday jilitaanka socodka madaxweyne Muuse Biixi.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Waddani ayaa go’aanka ay wasaaradu ku joojisay mushaharka farsamoyaqaankan waxay ku tilmaameen talaabo cabudhin ah. Waxaanay sheegeen in Muwaadinkani mushaharkiisii uu xaqa u lahaa ku waayay qaab socodka Madaxweynaha ee uu jilay.

Farsamoyaqaan Heersare, ayaa bishan ku war helay in mushaharkiisii laga joojiyay, iyadoon la siin wax wargelin ah oo ku saabsab sababta uu mushaharkiisa ku waayay.

Laakiin wuxuu Cismaan sii wataa shaqadiisii, mana jiro wax go’aan ah oo ay guddiga anshax ee waraysatay soo saartay.

Masuuliyiin ka tirsan guddigan oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here