Inta aad aaminsan tahay inaad reer hebel tahay, qabyaaladdu way jiraysaa. Qabyaaladdu waa sida xumadda oo u ah cudurka calaamad (Symptom). Hadii aad isku daydo inaad xumadda dawayso oo aanad wajihin cudurka keenay, waxa aan shaki ku jirin in cudurku aanu tegi doonin islamarkaana si kasta oo aad isaga buuxiso xumad jebin, waa shaki la’aa in weli cudurku ku haynayo. Kaba soo qaad in duumo (malaria) ku hayso oo aad rabto inaad dawayso. Dhakhtarkii aad u tagtay wuxuu kugu dal dalay xumad jebin badan. Ma kula tahay in duumadii sidaas ku tagtayso?
In kasta oo loo badan yahay in afkana laga dhaliilo qabyaaladda ficil ahaana lagu dhaqmo, hadana waxa jira dad ay dhab ka tahay in qabyaaladda lala dagaalamo. Waxaan qabaa in isku day kasta oo isku mashquuliya la dagaalanka qabyaaladda uu guuldaraysanyo oo uu yahay hal bacaad lagu lisay ilaa xididada loo siibo qabiilka.
Waxaad is waydiin kartaa sida ay suurta gal u tahay in qabiilka oo Eebe Quraanka ku sheegay jiritaankiisa loo tirtiri karo. Qabiilka Soomaalida ee aynu halkan uga jeednaa waa wax kasta oo ka badan abtirsiinta afraad. Marka laga bilaabo magacaaga inta laga gaadhayo odayga afraad. Wixii intaas ka badani waa sheeko dheer iyo tirinta odayo lagu sheego inay ku dhaleen balse xaqiiqdii ay u badan tahay inay yihiin been iyo magacyo la samaystay ama ku aroora awoow la bar tilmaamaystay si loo xoojiyo is gaashaan buursi waayuhu keenay abuurkiisa. Aqoonsiga abkaas dheer waxay keentaa inay isku xidho oo ka dhigto dad wax isku ah umad balaadhan oo laga yaabo inay deegaan, dan iyo duruufba ku kala duwan yihiin.
Afartaas qof oo dabacan xaqijintoodu sahlan tahay lagana yaabo inay nolol isku soo gaadheen, waxaa loo adeegsan karaa in lagu dhawr nasabka laguna qaybsado dhaxalka iwm. Marka laga guuro abka fog ee tobonaanka oday socda, waxaay dadku isugu soo hadhayaan qoysas (families), waxana ka baxaysa dareenka qabyaaladeed ee la isugu hiilinayo.
Qabyaaladdu waa dareen, aragti iyo dano ay keentay isticmaalka magaca qabiil. Marka qofku isku sifeeyo inuu yahay reer hebel wuxuu iska soocay ama gaar yeelay bulshada inteeda kale ee aan ahayn reer hebel. Halkaas ayay ka bilaabantaa qabyaaladdu.
Dadku way kala cunsurisan yihiin oo waxa jira dad hab dhaqanooda ay si wayn uga soo if baxday qabyaaladdu, dad umadda cunsurinimo iyo uur xumo kula dhaqma. Waa na kuwaas colka dadka u ololeeya la dagaalanka qabyaaladdu kuwa ay ku wajahan yihiin. Waa dadka qabyaaladda u isticmaala inay dadka aan reerkooda ahayn inay dhibaan, leexiyaan ama ku lunsada hanta, sameeya eex iyo qaraabo kiil.
Taasi waxtar maaha, faa’iidona kuma jirto ololaha caynkaas ah. Waa talaabo uun ku lug leh in lala noolaado cudurka. Balse qabyaaladdu maaha cudur aan daawo lahayn oo ay tahay in lala noolaado. Waa calaamadda cudur la dabar goyn karo. Cudur kaas oo ah qabiilka.
Qabyaaladda, wadaniyadda iy dareenada caynkaas ahi iskood isuma taagi karaan. Tusaale ahaan ma noqon kartid wadani (nationalist) hadii aanad dal ba lahayn ama aanu jirin wax aan ku sifeeyo dalkayga. Anigu ma noqon karo wadani ay madax martay Somaliland hadii aanan ka tirsanayn Somaliland. Qabyaali na ma noqon karo hadii aanan qabiil ka tirsanayn.
Arin kale oo muhiimad wayn u leh tir tiridda qabiilka iyo qabyaaladda waa xoojinta dawladnimo dadka ilaalisa (protection), siisa caymis, daryeel, dayn iwm, islamarkaana qofku nabad gelyo ka raadin karo marka belo soo wajahdo. Dawladnimo ku dhisan caddaalad iyo sinaan. Marka dawladda caynkaas ah la helo waxa hoos u dhacaysa baahida iyo ku tiirsanaanta qofku u qabo qabiilka. Ogowse qabiilku waa ku lid dabeecad ahaan (by nature) dawlad caymadaas leh. Mar walba oo qabiilku xoogaysto waxa hoos u dhaca awoodda dawladnimo. Mar kasta oo dawladnimadu xoogaysato na waxa hoos u dhacaysa awoodda qabiilka.
Ugu danbayn, cidda ay run ka tahay la dagaalanka qabyaaladdu waa inay la dirirta qabiilka oo ay colaadeeda ku wajahdaa in meesha laga saaro waxaan ahay reer hebel oo kolkaas waxaannu wax wadaagnaa cid kasta oo abtirsiintaas leh. Hadii kale waxa hugunka lagu darayaa dad aan hubo inay afka ka caayaan qabyaaladda balse ku dhaqma hadh iyo habeen.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
http://
www.guleidjama.blogspot.com/