Waxaan akhristay Mujaahid Maxamed Kaahin, oo isagoo duraya Prof Ismaaciil Buubaa, ku tiraabaya inaanay xisbiga KULMIYE meeli uga banaanayn siyaasiyiinta Xamar ka soo noqday.
Waxaan aad ula yaabay hadalka Maxamed Kaahin oo ah mid uu si toos ah ugu maagayo siyaasiga Ismaaciil Buubaa oo ka mid ah dadka reer Somaliland ee hal baarkeed ka halacsada siyaasadda oo dhawaan ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Waxaan halkaas ka arkay nooca ay tahay iyo miisaanka ay leedahay cadaaladda Maxamed Kaahin Axmed, waayo marka uu leeyahay KULMIYE meeli ugama banaana siyaasiyiinta Xamar ka soo noqday miyuu iloobay.
1. In Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland uu ka soo noqday Somaliya oo markuu bilo joogay Hargeysa uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay guddoomiyaha Baanka Somaliland.
2. In Axmed Ismaaciil Samatar oo weliba isu sharaxay xilka madaxweynaha Somaliya uu dhawaan ku biiray xisbiga KULMIYE oo uu Maxamed Kaahin ka mid ahaa kuwii sacabada u tumayay maalintii Borama loogu xafladeeyay.
3. Maxamuud Sifir oo markii uu Daahir Rayaale doorashadii 2003 kaga guulaystay Axmed-Siilaanyo muraara dilaacii Xamar tagay xil raysalwasare-xigeen ka qabtay, markii uu soo noqdayna uu Axmed Siilaanyo xil u magacaabay.
Marka ay sidaas tahay, waxa muuqata cadaaladda darada Maxamed Kaahin oo ah cadaalad darro siyaasadeed. Waana markii labaad ee uu Maxamed Kaahin sameeyo intaan ogahay cadaalad darro noocan ah.
Bal dib u xasuusto wakhtigii uu ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee xukuumadii u horaysay ee Somaliland ee Marxuum Cabdiraxmaan-Tuur iyo Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo uu isagoo horkacayay wasiiradii beesha Bariga Burco ay hadh cad ka dareereen xukuumaddii oo weliba wakhtigaas aan lahayn awood ay ugu babac dhigto mucaaradad.
Waxaan haddaba Maxamed Kaahin oo aan ka mid ahay odayaasha reer Hargeysa ee ixtiraamka u hay ka codsanayaa inuu xaal ka bixiyo maagista Ismaaciil Buubaa, haddii uu taladaydaas qaato waa si wanaagsan, haddii kalena isagay u taalaa.