“Ma Jiro Xisbi Gaara Oo Ay Beesha Abokor Axmed U Jilbo Xidhantahay”,Siciid Xaaji Axmed Ducaale

0
578

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Siyaasadda  ee Beesha Abokor Axmed Baaruud, oo kamid ah Beelaha ugu degaanka Balaadhan Gobolka Togdheer, kana tirsan Beelaha Habarjeclo, Siciid Xaji Axmed Ducaale ayaa war-saxafadeed uu soo saaray wuxuu ku cadeeyay in aanay Beesha Abokor Axmed u xidhnayn Xisbi gaara, ayna tageerayso midkii ay ka dhex arkaan maslaxada guud ee dalka iyo danaha gaar ahaaneed ee beesha. War-saxafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan. War- Saxaafadeed.

Beesha Abokor Axmed, oo kamid ah Beelaha Habarjeclo, waxay beeshu qayb laxaad leh ka qaadatay diwaangalintii Codbixiyaasha ee dalka ka socota, gaar ahaan Gobolka Togdheer, iyadoo Beesha Abokor Axmed ay iska diwaangaliyeen codad gaadhaya 18000, oo cod.

Haddaba maadaama oo beeshu muddo dheer Siyaasadda kursiga danbe kaga fadhiday, waxaan halkan ku cadaynaynaa qodobadan soo socda.

1… Ma jiro Xisbi gaara oo ay Beesha Abokor Axmed u jilbo xidhantahay ama ay sigaara ugu heshiiyeen Mustaqbalka Siyaasadeed ee beesha.

2.. Siyaasadda waxaa astaan u ah waxaa afka qalaad lagu yidhaahdo (Give and Take) qaado oo sii… Taasbana lagu wada hawl galaa, sidaa awgeed Saddexda Xisbi Qaran ee ka jira Somaliland, (KULMIYE, UCID iyo WADANI)  kii aanu is fahano ayaanu wada shaqayn doonaa Insha allah.

3.. Beeshu maadama oo ay noqotay beeshii ugu Diwaangalinta badnayd beelaha Gobolka Togdheer, waxaanu cid kasta kula xisaab tami doona Xuquuqdayada Siyaasadeed.

4..  Saddexda Guddoomiye Xisbi Qaran, ama Saddexda Murrashax ee u tartami doona Doorashooyinka dalka ku soo fool leh waxaanu ku casuumaynaa wadahadal furan.

Allaa Mahad Leh.

Siciid Xaji Axmed Ducaale

Guddoomiyaha Siyaasadda ee Beesha Abokor Axmed.