Ma Dhabaa In Dawladda Koonfurta Sudan Danaynayso Isticmaalka Dekeda Berbera?

0
916

 

berbereaAddis Ababa(Geeska)-Dawladda cusub ee Koonfurta Sudan ayaa la filayaa inay isticmaasho dekedda Berbera ee Somaliland iyo weliba dekedda dalka Djibouti.

Koonfurta Sudan oo ah dalka dunida ugu cusub oo la filayo in dawladnimadiisa si rasmi ah loogu dhawaaqo bisha Julay ee soo socota, ayaa ah dal aan lahayn wax deked ah. Ilo xogogaala ayaa bogga caanka ah ee Jimma Times ee laga leeyahay Itoobiya u sheegay in Koonfurta Sudan ay isha ku hayso isticmaalka dekedda Berbera ee Somaliland iyo Djibouti.

Dhinaca kale dawladda Itoobiya ayaa bilowday inay maalgashi ku samayso dalkaas oo uu dhaqaalihiisu aad u liito. Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa duulimaadyo ka bilowday magaalada Malakal ee dalka Koonfurta Sudan si ay ugu xidho caalamka intiisa kale.

Dawladda Ereteriya ayaa noqotay dawladda keliya ee ka tiran bariga Afrika ee si cad uga hortimid aayo ka tashiga shucuubta Koonfurta Sudan ay ku go’aansadeen inay ka madaxbanaadaan dal weynaha Sudan.