Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Caddeeyay Sababta Ay Isaga Iyo Rayaale Uga Baaqsadeen Ka Qayb Galka Munaasibadii 26 June Ee Madaxtoyada

0
851

 

silaanyo kkHargeysa (Geeska)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasin ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB, yaa ka hadlay sababta uu xisbigoodu uga baaqday ka qayb galka  xuska 26-ka June oo habeen hore lagu xusay magaalada Hargeysa, gaar ahaana aqalka madaxtooyada Somaliland, taas oo la sheegay in martiqaadkiisa loo geeyay.

Munaasibadii sannad guurada 51aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay dalka Ingiriiska oo lagu qabtay habeen hore xarunta madaxtooyada, ayaa waxaan ka qayb gelin Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin oo isaga hooseeya talada xisbiga UDUB, waxase iyagu ka qayb galay madaxda labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, waxaana aad la isugu weydiiyay xafladii habeen hore sababta ay uga baaqdeen xafladaas.

Hadaba Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu xalay khadka telefoonka arrintan wax kaga weydiiyay guddoomiye xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, inkastoo uu markaas magaalada banaankeeda ku maqnaa, haddana wuxuu caddeeyay sababta ay uga baaqsadeen. Wuxuu arrintaas ku sababeeyay hab-dhaqankii foosha xumaa ee ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo gaar ahaan wasiirka duulistu ku qaabilay markii uu toddobaadkii hore Hargeysa ku soo noqday Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, halkaas oo ay ceebi ka dhacday ka dib markii madaxda sare ee UDUB laga hor istaagay inay gudaha madaarka u galaan islamarkaana Madaxweynihii hore lagala masuugay in la fadhiisiyo qolka VIP-da.  “Waan ka maqanahay magaalada oo waxaan joogaa meel miyi ah. kolay waxaan filayaa inuu xisbigu cabasho ka muujinaayo maalintii madaarka, markaa taas ayaa lala xidhiidhinayaa”.  Ayuu Axmed Yuusuf Yaasiin u yidhi si kooban.

Masuuliyiin badan oo ka tirsan xisbiga UDUB iyo xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ayaa si adag u cambaareeyay talaabadaas lagula kacay Madaxweynihii hore.