Ma Daw Daraa Mise Waa Daw’ Ka Qayb Galka Shirarka Ee Xukuumadu? Geeska Afrika Staff Writer

8
4926

 

 

DSC08977

Inkastoo ay waxyaabo badan ku kala duwanyihiin labada xukuumadood ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore Daahir Rayale Kaahin, haddana marba qodob ayaa bidhaama.

Marka la eego shirarka ay kooxaha Somalidu fadhiyaan ee ay Somaliland ka qayb gasho oo aan hore u dhici jirin, waxa ay dad badani ku macnaysteen xidhiidhka Somaliland iyo Bulshada caalamka oo ay wax iska bedeleen. Madaxweynihii hore iyo xukuumadiisii ma jirin xidhiidh wanaagsan oo ka dhexeeyay bulshada caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, waxaana laga warqabaa dhawr goor oo ay xukuumadiisii hawada canaan iyo cambaarayn u marisay Qaramada Midoobay iyo wakiilkeedii xilligaas Axmed Wald Cabdallah.

Waxa kale oo goob joog loo ahaa Wasiirkii arrimaha dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo ergaygan Mr. Axmed Weld Cabdallah oo si kedis ah iskaga horyimid balse iyagoo kala weji dadbaya isweydaartay.  Waxa kale oo la ogyahay isfahamkii dhex maray Madaxweyne Siilaanyo xilligii uu mucaaradka ahaa Xildhibaan Donald Payne oo ah mudane ka tirsan aqalka Koongareeska Maraykanka oo ay si adag isu seegeen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo masulkiisii u sareeyay siyaasadda arrimaha dibadda.

 

Waxa isna hadda taagan wada shaqaynta iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya ergayga xilligan ee Qaramada midoobay Augustine Mahiga iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa isbedelayna maaha labada shakhsi ee Augustine Mahiga iyo Axmed Wald Cabdallah, balse waa isfahamka soo kordhay, waxaana la qiyaasi karaa haddii uu Rayaale joogi lahaa in xidhiidhku sidiisii u cakirnaan lahaa. Waxyaabaha muujinaya isfaham la’aanta bulshada caalamka iyo xukuumadii hore waxa ka mid ahaa ergayga Qaramada Midoobay Somaliland uma soo dirin tacsi markii weerarada argagixiso lagu soo qaaday sannadkii 2008.

 

Waxyaabaha kale ee xusida mudan waxa ka mid ah mustaafurintii ay xukuumadii hore dalka ka saartay wakiilkii hay’adda Interpeace, kaas oo isna indhaha caalamka ku soo jeediyay xukuumadaas, Madaxweyne Siilaanyo oo xilligaas si adag uga horyimidna waxa ay u noqotay naruuro.

 

Dad badan ayaa ku doodaya in Madaxweyne Siilaanyo uu ka dhiiranyahay Madaxweynihii hore, geed kasta oo uu midho ku arkana uu doonayo inuu kalsooni ku fanto, yahayna nin doonaya inuu bulshada caalamka ka soo dhacsado waxyaabo badan oo ay Somaliland ka qadi jirtay. Dadka aragtidan qabaa waa kuwa difaacaya ka qayb galka shirarka, iyagoo aaminsan inaan ugu yaraan Somaliland warar xun lagaga sheegi karin maadaama oo ay madashaas joogto. Laakin dad kale oo badan ayaa iyaguna ku doodaya in bulshada caalamku Madaxweyne Siilaanyo ka heshay dabacsanaan ay ka weyday Madaxweynihii hore, taasina ay keeni karto halis miisaankeeda leh.

 

Dadkani waxa ay aaminsanyihiin in ka qayb galka shirarkani yihiin natiijada ka dhalatay isfahamka bulshada caalamka iyo xukuumadan, waxaanay ugu baaqayaan golaha wakiilada inay dabar u sameeyaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo si aanay khataro badan u dhex gelin amaba aanay badweyne kale u dhex dabaalan.

 

Haddaba, su’aashu waxay tahay xidhiidhka isbedelay ee bulshada caalamku dan ma u yahay Somaliland?. Inkastoo su’aashaas jawaateeda xilliyada soo socda la ogaan doono, haddana maaha mid la odhan karo waa guul u soo hoyatay Somaliland, sababtoo ah xidhiidhka bulshada caalamku waa middi laba af leh. Mar waa dhinaca wanaagsan oo waxa suurtogal ah inay midho badani ka soo baxaan, marna halisteeda ayuu leeyahay oo isfahamkoodu wuxuu kuri ridi karaa dabin aan si fudud looga soo bixi karin. Hase yeeshe sida muuqata shirarkan laga qayb galayaa maaha kuwo leh ajande cad oo la isku raacay. Xukuumadda Somaliland kelideed ayaa go’aansatay inay shirarkaas ka qayb gasho iyadoo umaddana u sheegtay inay dani ugu jirto, laakiin maaha arrin laga munaaqashooday oo inta si hufan looga dooday dabadeedna la isla gartay in la tago shir kasta oo aan ahayn kuwa dib u heshiisiinta iyo dawladaha loogu dhisayo kooxaha Muqdisho.

 

Sidaas daraadeed Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa la gudboon inuu si cilmiyaysan oo cad umada ugu soo bandhigo sababta uu ku doortay shirarkan, ujeedadu maaha ummadda oo dhan inuu la hadlo balse in labeenta bulshada wax la weydiiyaa waxay ka mid tahay hoggaaminta wanaagsan, haddii kalena shakiga iyo dareenka weligii waa ina daan-weyne.

 

Comments are closed.