Lix Caruur Ah Iyo Ayeydood Oo Lagu Gubay Gurigoodii

0
729

Maamulka magaalada Marka ee Soomaaliya ayaa sheegay in lix carruura iyo ayeydood lagu gubay gurigooda oo ku yaala dhul beereedka Jeebey oo qiyaastii 25 km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dilkan loo gaystay carruurta iyo ayeeydood ayaa daba jooga dilal horey u dhexmaray labo beelood oo gobolka wada dagan sida uu BBC-da u sheegay Xasan Cumar Macallin oo ah guddomiyaha magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose

 Waxa uu sheegay   in dadkani  deganaayeen halka lagu magacaabo Jeebey oo beeraley ah kana tirsan magaalada Marka, isaga oo xusay in gurigii ay ku jireen la dul saaray Bal, islamarkaana dab la qabadsiiyey.

 “Waayadan arrin aan lagu aqoon Soomaalida ayaa billowday sida guryo la gubo iyo wax la mid ah, xalay(habeen hore)  waxaa ka dhacday meel la yidhaahdo Jeebey oo Marka ka tirsan hoy ay deganaayeen 6 caruur ah iyo ayeeyadood ayaa la saaray Bal, kadibna lagu gubay dhammaantoodna waa ay geeriyoodeen, waxaana qiyaasaynaa in arrintan ka dambeeyaan dad qaab qabiil isku dagaallaya”

Geesta kale,  mid ka mid ah ehlada dadkan la dilay oo oo u waramay Warbaahinta online ka ha ee ka jira deegaanka dhacdadani ka dhacday ayaa sheegay magacyada caruurta iyo ayaydood

Ayeeyo: Khadiija Maxamed Somow, 80 jir ah.

Nuur Cabdi Ismaan danow oo Seddax Sano jir ah

Farxiya Cabdiqaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Naciima  Cabdiqaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Axmed Cabdiqaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Mulki  Cabdiqaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Muzamil Cabdiqaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal