Lacagtii Qaranka Oo Meesha Ka Baxday Mudadii Uu Madaxweyne Siilaanyo Talada Hayay

0
831

Hargeysa(Geeska)-Toddoba sannadood iyo dhawr bilood oo uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay waxa meesha si tartiib-tartiib ah uga sii baxaysa lacagtii qaranka Somaliland iyo qiimaheedii suuqyada dalka ay ku lahayd.

Sannadkii 2010, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo talada la wareegay iyadoo ay shaqaynayso lacagta Somaliland gaar ahaan noodhadhka Kontonka shilin ilaa shanta boqol oo ay markaas lacagta noodhka ahi ku joogtay. Sidoo kale lacagta ayaa ahayd mid degen oo suuqyada si weyn looga adeegsan jiray, waxaanu qiimaha halka dollar ahaa 6000 oo lacagta Somaliland ah.

Hase yeeshee dhawr marxaladood oo ay soo martay ka dib waxa markiiba meesha si fudud uga baxday lacagtii kontonka shilin ahayd oo mar qudha suuqyada laga waayay, waxaana ku xigay boqolka shilin oo isna gabaabsi ka dib ka dhammaaday suuqyada dalka. Sababaha ay lacagahani suuqyada uga baxeen ayaa loo tirinayaa siyaasad xumo dhaqaale oo ay ugu horaysay lacagta kunka shilin iyo shanta kun ah ee ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo soo daabacatay.

Ka sokow lacagaha ay suuqyada ka saartay lacagta cusub ee la soo daabacay, waxay iyana lacagtaas cusubi dalka gelisay sarrif dhaqaale oo si xawli ah markii u horaysay u gaadhay meel aanu weligii gaadhin. Halka dollar ayaa maanta suuqyada ka maraya inta u dhaxaysa sagaal kun ilaa toban kun oo lacagta Somaliland ah. Waa markii u horaysay ee ay shacabku arkaan sicir bararkan heerkan gaadhay oo weli xal loo la’yahay.

Maanta oo uu Madaxweyne Silaanyo talada hayo 7 sannadood waxa iyana inay suuqa ka sii baxayso la dareemayaa shanta boqol ee shilin, waxaanay khubarada dhaqaale tilmaamayaan in kunka shilin iyo shanta kun ee uu Madaxweyne Siilaanyo soo daabacay dalka ku sii nagaan doonaan.

Sidoo kale qiimihii ay lahayd lacagta Somaliland iyo isticmaalkeedii ayaa gebi ahaanba suuqyada ka baxay, waxaana Madaxweyne Siilaanyo la weydiinayaa; Madaxweyne, meeday lacagtii qaranku?