Ciidamada Booliska Oo Ka Hadlay Dhallinyaro Waddaado Ah Oo Laga Qabtay Magaalada Hargeysa

0
906

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada Booliska Somaliland, waxay toddobaadkii hore magaalada Hargeysa ka fuliyeen hawlgalo ay ku xidheen dhallinyaro wadaado ah oo guryahooda goor habeenimo ah loogu daatay.

Dhallinyarada oo aan tiradooda si rasmi ah loo garanayn ayaa lagu sheegayaa ilaa 7 xubnood, waxaanay ciidamada Boolisku dhalinyaradaas ku eedeeyeen inay qorshaynayeen falal liddi ku ah ammaanka guud ee qaranka Somaliland. Afhayeenka ciidanka Booliska gaashaanle-dhexe Faysal Xiis ayaa saxaafadda u xaqiijiyay xadhiga dhallinyaradan, waxaanu yidhi “Ciidanka Boolisku waxay galeen hawlgal aad iyo aad u balaadhan iyagoo kaashanayay  hay’adaha ammaanka ee ay gacan saarka dhow la leeyihiin,waxaana hawlgaladaas lagu soo qabtay tiro dad ah oo maleegayay falal khatar ku ah nabadgelyada guud ee dalka iyo shacabka reer Somaliland.”

Boolisku way ka gaabsadeen inay ka hadlaan dambiyada lagu tuhmay dhallinyaradan, waxaanu Afhayeenku yidhi “Waxa socota baadhistii kiiskaas oo ay ciidamada boolisku baadhayaan, ka hordhici mayno baadhista wixii ka soo baxana waan u wada joognaaa.”

Hase yeeshee Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aaden-sune) ayaa salaadii ciidda wuxuu garoonka Hargeysa Stadium ka sheegay  in dhallinyaradaas culimada ah lagu xidhay dulmi, waxaanu ku baaqay in xorriyadooda loo soo celiyo. “Culimadii ayaa lagu tacadiyayaa.” ayuu yidhi Sheekh Aadan-sune oo dawladda, salaadiinta iyo shacabka ugu baaqay in laga shaqeeyo sidii dhallinyaradaas loogu soo celin lahaa xorriyadooda, isagoo ku dooday inay yihiin bilaa dambi.